Mareykanka iyo Canada
oo cambaareeyay qaraxyadii Kenya
Qaraxii ka dhacay shalay magaalada Gaarisa ee
gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa si wada jir ah u cambaareeyay
dowladaha Mareykanka iyo Canadda.
Ugu horeentii Afhayeen u hadlay Aqalka cad ee
dowladda Mareykanka Jay Carney ayaa sheegay in qaraxyadaasi
ay ka dambeeyeen kooxo argigixiso ah oo saldhogoodu yahay dalka
Somalia waa sida uu hadalka u dhigay ., isaagoo sheegay in dowladda
maraykanka ay aad uga naxday markii aqbaartaasi ay soo gaartay
,
Jey carney ayaa tibaaxay inay tacsi u dirayaan
ehelada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxyada dowladda
Kenya ay sheegtay inay ka dambeeyeen xarakada al Shabab ee Somalia
ka dagaalanta .
waxana uu sidoo kale sheegay in maraykanku mar
waliba uu garab taaganyahay dowladda Kenya , kalana qeybqaadanayo
dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray argigixaisda
Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda dalka Canada
John Baird ayaa isna sheegay inay aad u cambaareenayaan qaraxyadii
ka dhacay Gaarisa oo uu sheegay inay ka dambeeyeen kooxo ma
naxayaal ah , waxana wasiirku uu tacsi u diray ehelada dadkii
qaraxaasi ku waxyeeloobay.
Maalintii shalay ayay ahayd markii magaalada Gaarisa
ay ka dhaceen qaraxyo lala eegtay labo kaniisadood oo ay ku
sugnaayeen dad aad u badan
Xaafiiska Wararka Warlalis.com