Mereykanka iyo Yemen oo
u hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed .
Sida ay ku waramayso wakaaladda wararka u faafisa
wadanka Yemen ee Saba Madaxweynaha dalkaasi Yemen Cabdi Rabuu
Mansuur Al-Haadi ayaa M/weynaha Soomaaliya Sh, Shariif Sh, Axmed
u soo diray warqad uu ugu hambalyaynayo munaasabadda 1, Luulyo
oo ah maalinta madaxbanaanida iyo is raaca Soomaaliya
Cabdi Rabuu Mansuur waxaa uu ku sheegay warqadiisa
ku sheegay inuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayo farxada, 1,
Luulyo isla markaana uu M/weynaha Soomaaliya uu ugu baaqay ka
shaqeynb nabadaynta Soomaaliya oo muddo dheer dhibaato ka jirto.
Waxaan hambvalyo u dirayaa M/weynaha iyo
Ummadda Soomaaliyeed oo aan ugu hambalyaynayo maalinta madaxbanaanida
ee 1,da Luulyo waxaana u rajaynayaa barwaaqo iyo hormar
ayuu yiri M/weynaha Yemen Cabdi Rabuu Mansuur Al-Haadi.
Kowda Luulyo waa maalinta ay gobolada koofureed
ee Soomaaliya ka xaroobeen gumeystihii Talyaaniga sanadkii 1960,kii
isla markaana ay midoobeen gobolada waqooyi iyo koofureed oo
Soomaali is raacday.
Sidoo kale war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska
xoghayaha arrimaha dibbada Maraykanka Hillary Rodham Clinton
ayaa waxay dhambaal hambalyo ah ugu soo dirtay ummadda Soomaaliyeed
oo maanta u dabaal dagaya 52 sano guuradii kasoo wareegtay markii
laga xaroobay gumaysatayaashii mudada na gumaysanayay
Xaafiiska Wararka Warlalis.com