Maraykanka
oo cunaqabateynaya qaswadayaasha iyo Shabaab
Madaxweynaha Maraykanka barrack Obama ayaa waxa uu u hanjabay
shaqsiyaadka diidan in Soomaaliya ay ka baxdo KMG iyo kuwa
kasoo horjeeda Nabadeynta Soomaaliya sida lagu cadeeyay War
saxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ee looga taliyo dalka
Mareykanka.
Obama ayaa sheegay in Mareykanka uu goaansaday in talaabo
uu ka qaado qaswadayaasha Somalia oo uu ku soo rogayo xayiraad
dhinaca maalyadda , waxa uu sidoo kale uu tilmaamay in uu
goaansaday in la joojiyo dhoofinta dhusha Somalia ee
laga dhoofiyo goobaha ay ka taliyaan xarakada Al shabab sida
Kismaayo iyo Marka.
Madaxweynaha ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in dowladda
Mareykanku ay sidoo kale amar ku bixinayso in la joojiyo dhoofinta
la dhoofinayo dhuxusha Somalia oo si gaar ah madaxweyne obama
uu u sheegay in dhaqaalo badan al shababku ay ka helaan sidaa
darteedna la cunaqabateenayo
Somalia xilliga waxa ay heysataa fursad ay kaga gudbi
karto dhibaatadii 20 ka sano ka badan ay soo martay , mareykankuna
uma dulqaadan doono in somalia hooy ay u noqoto waxa uu ugu
yeeray argigixisada iyo cid waliba oo ka soo horjeesata qorshaha
tubta nabadda somaliaayuu madaxweynaha dalka Mareykanka
Barak obama ku yiri warsaxaafadeedkiisa.
Dowladda mareykanka ayaa horay hanjabaadan oo kale ugu jeedisay
xarakada Al shabab iyo shaqsiyaad ay ku sifeesay inay yihiin
qaswadayaasha Somalia .