Maraykanka oo ka walaacsan
Xiriirka Shabaab iyo Ururka Boko Haraam
General Carter Ham oo kamid ah Taliyayaasha Ciidamada
Mareykanka ee ku sugan Africa ayaa sheegay in ay sii kordheyso
wada shaqeynta Xarakada Al-Shabaab kala dhexeysa ,Al-Qaacidada
Galbeedka Africa iyo Kooxda Boko Haraam ee dalka Nijeria ka
dagaalanta
General Carter Ham ayaa tilmaamay in Al-Shabaab
ay Tababaro siiso Kooxahaasi islamarkaana ay isweedaarsadaan
Dagaaliyahanada isagoona sheegay in Dowladda Mareykanka ay arinkaasi
si aad ah uga war qabto islamarkaana ay Talaabo kaqaadeyso
Sidookale Taliyahan katirsan Ciidamada Mareykanka
ee kusugan Qaarada Africa ayaa shaaca kaqaaday in Kooxahan Islaamiyiinta
ah ay doonayaan in Maamulo iyaga hoostaga ay kadhisaan Wadamada
ay ka Dagaalamaan balse looga baahan yahay Dowladaha kajira
Dalalkaasi in ay arinkaasi kahortagaan
Hadalka Mareykanka ayaa ku soo Hagaagaya xili
mudooyinkii lasoo dhaafay uu sii kordhayay Walaaca laga qabo
waxa kadhalan kara wada shaqeynta Xarakada Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada
Africa.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com