Maxaa
ka jira in naceyb loo qabay Shariif uu kusoo baxay Xasan Sheekh
Iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sida ay ku suura gashay
in Xasan Sheekh Maxud uu noqdo Madaxweynaha cusub ee
Soomaaliya dad kale oo loo saadaalinayay ay meesha ka baxaan
ayaa waxaa arintaasi ka hadlay mid ka mid aqoonyahanada Soomaaliyeed
ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Pro. Xasan Sheekh Maxud ayaa waxa uu sheegay in sababaha
uu kusoo baxay Xasan Sheekh Maxud inay ka mid tahay
dadaal uu sameeyay wareegii hore taasi oo suura galisay olalihiisa
ka hor doorashada iyo naceyb loo qabay Sheekh Shariif Sheekh
Axmed oo ay kasoo daashay Umada.
Aqoonyahaankaani Soomaaliyeed ayaa waxa uu sidoo kale carabka
ku dhuftay shaqsi ahaan uu aaminsan yahay in Xasan uu madan
yahay xilka uu qabtay ee madaxtinimo,waxaana uu ugu baaqay
in uu soo magacaabo Raiisul wasaare iyo xukuumad tayo
oo dalka dhibaatada ka samata bixin karta sidoo kalana Mucaaradka
la heshiin karta.
Ka hor inta aysan dhicin doorashada Madaxweynaha cusub ee
soomaaliya oo uu guulaystay Xasan Sheekh Maxud Ayaa
waxa ay dad badan aaminsanaayeen in tartanka uu ka dhaxeen
karo shaqsiyaad ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif iyo Maxed
C/laahi Farmaajo.