Waxyaalaha
Laga sugayo inuu saxo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, Laguna
qiimeyn doono waxqabadkiisa iyo Cadaaladiisa!!! Talooyin Xasaasi
ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane
Hassan Sheikh Mohamud ayaa bulshada Soomaaliyeed Dal iyo dibadba
soo dhoweysay, Madaxweynaha Cusub ayaa shacabka Soomaaliyeed
ka sugayaan kana filayaan inuu saxo qaladaad badan, Maamul
xumo iyo cadaalad daro badan oo lagu sameeyay Shacabka Soomaaliyeed
laga soo bilaabo Dawladii Madaxweynihii Dawladda KMG ee geeriyooday
Col Cabdulahiu Yusuf iyo Risul wasaare Cali Maxamed Geedi.
Maamul xumadii, Musuqmaasuqii iyo Cadaalad daradii ay bilaawday
dawladii uu Raisul wasaaraha ka ahaa Dr Cali Mohamed Geedi
ayuu Madaxweynihii hada laga guuleeystay Shariif sh Ahmed
sii saaidiyey intuu sixi lahaa ama wax ka qaban lahaa, taasi
oo keentay Naceybka ay u qaadeen umadda soomaaliyeed Meel
kasta oo ay joogaan Madaxweynihii hore Shariif.
Qodobada muhiimka ah ee ay tahay Madaxweyne Hassan Sheikh
iyo Xukuumadda Raisulwasaaraha uu dhisi doono inay si degdeg
ah wax uga qabtaan waxaa ka mid ah qodobadaan soo socda:-
1- Madaxweyne Hassan Sheikh waa inuu Magacaabaa Raisulwasaare
aqoon leh, wadani ah, Cadaalad u samayn kara shacabka Soomaaliyeed,
ahna RW ay ka go'an tahay inuu dalka ka saaro Dhibaatada uu
ku jiro.
2- Madaxweynuhu waa inuu ku gacan siiyo Raisulwasaaraha uu
magacaabayo inuu dhiso xukuumad tayo leh, wadani ah, karti
leh, Cadaaladna u samayn karta shacabka Soomaaliyed, wasiirada
la magacaabayana ay noqdaan dad ay ka go'an tahay inay dalka
iyo dadka badbaadiyaan, Wasiiradaasina aysan noqon kuwo xaasaskooda
iyo ilmahooda ay qurbaha ku nool yihiin.
3- Madaxweynuhu waa inuu dib u habeyn ku sameeyo Ciidamada
dawladda qeybaheeda kala duwan sida Milateriga, Booliska,
Nabadsugida iyo ciidamada Asluubta, uuna ka shaqeeyo in ciidamada
qalabka sida ee dalka ayna noqdaan ciidamo habeysan, kala
danbeeya, qaab ciidan u dhisan, mushaharkoodu joogto yahay,
tababar buuxa la siiyo, kana saaro ciidamada kuwa qaabka qabiilka
u shaqeeya oo ku jira milateriga iyo booliska Soomaaliyeed.
4- Madaxweynuhu waa inuu xaqiijiyo inuu qaado isbaarooyinka
muuqda iyo kuwa qarsoon oo gaaraya 50-ka isbaaro ee dhexyaalo
xaafadaha iyo jidadka magaalada Muqdisho, isbaarooyinkaas
oo uyaala maliishiyaadka dharka ciidanka wata.
5- Madaxweynuha, Raisulwasaaraha iyo xukuumadiisuba waa inay
xaqiijiyaan inaysan dib danbe u dhicin in golaha wasiirada,
Xildhibaanada, iyo dhamaan saraakiisha haya xilalka dawlada
inaysan samaysan ciidamo iyaga u gaar ah oo ay kasoo kala
kaxaystaan Milateriga iyo Booliska Soomaaliya, waa in la sameeyaa
ciidamo si gaar ah loo tababaro oo ilaaliyo amniga masuuliyiinta
dawladda Masuul kastana lasiiyo ciidan go,an oo aqoonsi wata.
6- Madaxweynuhu waa inuu saxaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo
18 ka waaxood oo uu ka kooban yahay, waana in si cadaalad
ah loo dhiso, maadaama 18-ka waaxood ee Maamulka Gobolka Banaadir
ka kooban yahay 17-ka kamid ah ay hayaan hal beel, waaxaha
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiinta sare, iyo Dhamaan
Maamulada Degmooyinka loo dhiibaa masuuliyiin aqoon leh oo
degmooyinka ay maamulayaan kusoo kordhin kara waxqabadka shacabka
u baahan yahay. Waana inaan la ogolaan in Madaxda Maaulka
Gobolka , ku xigeenada, Waaxaha iyo Degmooyinka ay qortaan
ciidamo qaraabadooda, una geliyaan dharka ciidanka, Balse
Taliska Booliska, Nabadusgida inay madaxda Maamulka Gobolka
Banaadir, degmooyinka ay siiyaan ciidan tababaran oo aqoonsiyo
lasiiyo.
7- Dekedda, Ayraboorka, Bankiga iyo dhamaan Laamaha dawladda
ee fadhigoodu Yahay Magaalada Muqdisho waa in loo dhiibo dad
aqoon leh, dhamaan dadka soomaaliyeed ee kunool Muqdisho iyo
dhamaan Soomaaliya ay ka wada dhex muuqdaan.
8- Dawlada cusub waa inaysan aqbalin aysana dib danbe u dhicin
in Wasiirkii ka tirsan xukuumada inuusan u qaadan in wasaaradaas
beel la siiyey, dhamaan laamaha wasaaradaas agaasimayaaysha,
waaxyaha iyo shaqaalahana uusan ka dhigin Beeshiisa, ee waa
in la xaqiijiyaa in wasaarad kastaahi ay noqotaa meel umadda
Soomaaliyeed u dhaxaysa, dad aqoon lehna laga shaqo geliyaa,
aysana dhicin in madaxda iyo shaqaalaha wasaaradaasna aysa
u badnaanin qabiilka Wasiirka.
9- In dhamaan Safiirada, qunsulada iyo shaqaalaha Safaaradaha
Soomaaliya ay ku leedahay Caalamka in loo magacaabo dad aqoon
leh oo ay ka wada muuqdaan dhamaan qabaailka Soomaaliyeed,
safaaradahaasna ay noqdaan kuwo lala xisaabtamo, oo aysan
noqon dad markii la magacaabaa kadib iyagu sidii ay rabaan
yeelaan. Dadka la magacaabayaana ay noqdaan Dad wadaniyaal
ah oo ilaalin kara sirta Dawladda Soomaaliya, balse aysan
noqon kuwa u shaqeeya wadamada ay safaaradu ka furan tahay.
10- Madaxweynaha, Raisulwasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka
waa inay noqdaan kuwo lagu daydo shaqaalaha Xafiisyadooda
ka shaqeynaya, ilaaladooda ay noqdaan dad Soomaalida oo dhan
ay ka dhex muuqato, aysana dhicin inay qaraabadooda isku wareejiyaan.
11- Madaxweynuhu waa inuu noqdaa mid go,aan leh ninkii wax
wanaagsan qabtana uu dhiirigeliyaa, qofkii xumaan sameeyaa
ama cadaalad darana uu xilka ka qaadaa.
12- Madaxweynuhu waa inuu xaqiijiyaa Mashaariicda horumarinta
ee Dalka Soomaaliya, kuwa Turkiga iyo kuwa Dawladaha kale
iyo AMISOM-ba ay bixinayaan in si cadaalad ah ganacsatada
Soomaaliyeed ay ugu tartamaan ee aysan dhicin in mashaariicdaas
ay u xirnaadaan ganacsato gaar oo si qabyaaladaysan lagu siiyey
shaqooyinkaas xiliyadii dawladihii isaga ka horeeyay.
13- Dawladda Cusub waa inay dalka gaarsiisaa in masuuliyiinta
iyo madaxda Soomaalidu ay ku tartamaan wax u qabadka shacabka
iyo Cadaaladda, qofkii aan shacabka wax u qabanayn, cadaaladna
ahayn si degdeg ah xilka looga qaadaa, Masuuliyiinta Maamul
wanaaga iyo cadaaladda hirgeliyana uu dhiirageliyaa.
14- Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Dawladda Cusub waa inaysan
noqon dad ay shaqsiyaad maskaxda ka qabsadaan wax kasta oo
ay qabanayaana ay noqdaan waxyaalo ay dadkaasi u yeeriyaan,
ayna ogaadaan inay u dhaarteen Dalka, Dadka iyo Diinta .
15- Madaxweynuhu waa inuusan noqon mid u xagliya xubnaha ururka
Al Islaax oo lagu sheego inuu mar ka tirsanaan jiray iyo xubnaha
Xisbigiisa Maadaama shacabka doortay aysan xisbi dooran ee
ay isaga doorteen maadaama aan dalka laga hergelin nidaamka
axsaabta. Madaxweynuhu waa inuu si degdeg ah dalka uga hergeliyaa
nidaamka Axsaabta loona sameeyaa sharciyo qaabka xisbiyada
loo samaysan karo si looga baxo qabiilka iyo qabyaaladda.
16- Madaxweynuhu waa inuu xilalka ka qaadaa saraakiisha dawladda
ee musuqmaasuqu dilooday, aaminsana xilalka ay hayaan in qabiilkoodu
leeyahay.
17- Madaxweynuha, Raisulwasaaraha, Xukuumaduba waa inay noqdaan
dad indhahoodu furan yihiin , lana socdaan waxyaalaha ka dhacaya
Dalka, dhibaatooyinka dalka ka jirana ku mashquulaan sidii
ay u xalin lahaayeen.
18- Madaxweynaha, Raisulwasaaraha iyo Dhamaan Golaha Wasiirada
waa inay xaqiijiyaan inaysan sii socon qaabkii Soomaaliya
loogu qeybin jiray 3-da qeybood oo kala ahaa South Central,
Puntland iyo Somaliland, aysana dhicin shirarka Caalamiga
ah iyo kuwa Hay,adaha ee ka dhacaya Dalalka Dibadaha sida
Kenya aysan dhicin in Wasiiro ama Masuuliyiin ka socda 3-daas
qeybood in lagu casuumo. Maadaama dawladda Federaalka Soomaaliya
ay dhamaan qabaailka Soomaaliya ku dhan yihiin, madaxda Dawlada
federaalkuna waa inay xaqiijiyaan horumarka Maamulada Soomaliland,
Puntland, Galmudug inay sii dhiirigeliyaan.
19- Dawlada Cusub waa inay noqotaa mid la socodsiisa shacabka
Soomaaliyeed halka xaaladu marayso, dhiirigelisaana aqoonyahanka
Soomaaliyeed in Dalka dib ugu soo laabtaan.
20- Dawladda Cusub oo Baarlamaanku ugu horeeyo inay saxaan
qaladaadka Dastuurka ku jira, qodobada iska hor imaanaya,
dastuurkana ka dhigaan mid shacabka Soomaaliyeed leeyihiin
kana shaqeynaya danihiisa.
21- Madaxweynuhu waa inuusan ku mashquulin inuu lacag aruursado,
ganacsato qaraabadiisa ah naas nuujiyo, Marka xilka ka dhamaan
rabana uusan ku mashquulin sidii uu xukunka usii haysan lahaa.