Maxaad
ka taqaanaa M/weyne Xasan Shiikh
Madaxweynaha cusub ee loo doortay inuu hoggaamiyo dalka Soomaaliya
muddada shanta sano ee soo socota waa aqoonyahan 57 jir ah.
Wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Wuxuu doorashada madaxtinimada kaga guuleystay Shariif Sheekh
Axmed oo Soomaaliya madaxweyne ka ahaa tan iyo sanadkii 2009.
Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sanadkii 1981 ka qalinjebiyay
jaamacadda qaranka Soomaaliya. Dalka India ayuu aqoon kororsi
u aaday, wuxuuna sanadkii 1988 shahaada Master Degree ka qaatay
jaamacad ku taalla dalkaas oo lagu magacaabo Bhopal University.
Wuxuu siyaasadda dalka Soomaaliya ku soo biiray sanadkii
2011 kaddib shir ka dhacay hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho,
halkaasoo loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga PDP
ee Nabadda iyo Horumarinta (Peace and Development Party).
Xisbiga PDP waxaa xubno ka ah wasiirkii hore ee warfaafinta
Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle iyo xildhibaan hore, Maxamed
Nuur Sheegoow.
Muddadii u dhaxeysay 1993 ilaa 1995, Xasan wuxuu ku noqday
Soomaaliya isagoo gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya
kala shaqeeyay hayadda UNICEF ee Qaramada Midoobay u
qaabilsan daryeelka carruurta.
Wuxuu kaloo la shaqeeyay dhowr hayadood oo ay ku jiraan
UNDP, UNICEF, Life and Peace Institiute, Conciliation Resources,
Oxford University, Center for Refugees studies, Interpeace,
CRD iyo dowladdii KMG ahayd.
Sanadkii 2010 wuxuu hormuud jaamacadeed ka noqday machadka
SIMAD ee magaalada Muqdisho oo uu isagu wax ka aasaasay. Machadka
SIMAD ayaa markii dambe laga dhigay jaamacadda SIMAD.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu ku hadlaa luuqadaha
Soomaaliga iyo af-Ingiriiska.