Maxaad kala socotaa waxyaabaha
ay ka mideysan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed
iyo Hogaamiyaha Alqaacidada Geeska Afrika Axmed Godane??


Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa
la sheegayaa inuu mabdiiyan iyo waxyaalo badan oo kale
uu kala mideysan yahay Hogaamiyaha Alqaacidada geeska Afrika
Axmed Godane Waxyaalaha ay ka mideysan yihiin labada Hogaamiye
oo mar si dhow u wada shaqeyn jirey xiligii Maxaakimta islaamka
ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin:-
1- Labada hogaamiye caqiidiyan waxay aaminsan
yihiin caqiidada Wahaabiyadda oo soo baxday xiliyo tobonaan
sano laga joogo, Soomaaliyana ka soo gashay dhanka Sacuudiga
iyo Bariga dhexe, ka hirgelinta caqiidada wahaabiyadda Soomaaliya
waxaa lagu hirgeliyey dhaqaalo badan iyadoo xiligii 90-yeedii
dadka kusoo biirayey bayco lala geli jiray dhaqaalana la siin
jirey, sidoo kalana macalimiinta dugsiyada quraanka ee qaata
caqiidadaas mushahar la siin jiray ilaa xili dhow iyadoo dhamaan
magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinka Soomaaliya la geyn jiray
macalimiintaas, ilaa haddana ay ka hawl galaan magaalooyinka
iyo tuulooyinka Soomaaliya inta badan.
2- Labada nin waxbarashadooda waxaa gacan ka geystay
wahaabiyadda Caalamiga ah ee bariga dhexe iyaga oo u kala diray
waxbarashadii ay kusoo kala qaateen Sudan, Libya iyo Dalka Pakistaan.
3- Labada nin waxay aad u neceb yihiin Culimada
ASWJ, waxayna wax walba ku bixiyaan naf iyo dhaqaalaba sidii
caqiidada saliimka ah ee shacabka Soomaaliyeed inta badani ay
heysato in la baabiiyo la magac dilo, lagana dhigo wax
duq ah oo aan lagu dhaqmi karin.
4- Labada nin waxay aad u jecel yihiin xukunka,
mid weliba waxuu jecel yahay ilaa inta uu ka dhimanayo inuu
xukunka sii haysto.
5- Labada hogaamiye waa kaligii taliyayaal qofkii
ay mar siyaasada iyo Maamulka isku qabtaan dib uma heshiiyaan,
waxeyna isku dayaan inay ka taqalusaan iyaga oo isticmaalaya
wax walba oo ay ku qaadato.
6- Labada hogaamiyo waa dumar jecel yihiin, 3
ilaa 4 naag ka yar kuma lug goaan, sidoo kale waa niman
aad u dhaqaalo jecel, wax walba waxaa kaga horeeya sidii ay
lacag ku heli lahaayeen, dalka iyo dadka uma naxaan.
7- Labada nin inta badan noloshooda waxey ku mashquulsan
yihiin sidii ay xukunka usii haysan lahaayeen.
8- Labada nin qabyaalada aad ayay ugu dheereeyaan,
qabiilada ay kasoo kala jeedaan ee Rati Abgaal iyo Arab aad
bey ugu roon yihiin, xilalka muhiimka ah sida ilaha dhaqaalaha
iyo dhinaca awoooda ciidamada jufooyinkooda ayay gacanta u geliyeen.
9- Labada nin Diinta ay sheeganayaan afka baarkiisa
ma dhaafsiisana, mana ahan niman aakhiro iyo xisaabtan inuu
jiro oo la dhimanayo maskaxdooda ayba soo gasho, cadaalad uma
sameeyaan umana naxaan dadka xukunada ay hayaan sidii ay rabaanba
ha ahaadaane ku hoos nool.
10- Labadaba nin waxaa ay ka mideysan yihiin burburinta
Qaranka Soomaaliya, taladooda iyo caqligooda kuma shaqeeyaan,
sidii ay xukunka ku sii haysan lahaayeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed
ugu dhameyn lahaayeen waxaa u yeeriya ajnabi dano gaar ah kaleh
Soomaaliya.
11- Labada nin waxaa ay dadka u jecel yihiin qofkii
amaana, xanta iyo wararka u keena lacagna aan weydiisan.
Si kastaba ha ahaatee xukunada ay hayaan labada
nin ayaa u muuqda kuwo gebo gebo ahniyadoo Maliishiyaadka Alqaacidada
Geeska Afrika ay awoodoodu sii laciifayso, gobolo badan oo ay
haysteena laga xoreeyay, Halka Madaxweyne Shariif xukunkiisa
loo cadeeyay inta uu hubo ilaa 19-ka Agoosto 2012, iyadoo xiligaa
la sheegay in dalku yeelan doono dawlad cusub iyo madax cusub.
Ahmed Godane ayaa filaya ilaa laga dilayo ama
la qabanyo si kastaba dhulka halooga sii qabsadee inuu Maliishiyaadka
jid iyo jihadiidka ah ee Alqaacidada Geeska Afrika sii hayto,
Halka Shariifka madaxweynaha ka ah Dawlada KMg ah ee Soomaaliya
uu isku dayaayo inuu lacag badan isticmaalo, xildhibaano taageersan
baarlamaanka soo geliyo, laakiin hubanti laaan badan ayaa
haysa inuu soo noqonayo maadaama shacabka Soomaaliyeed uu aad
u nacay xukunkiisa musuqmaasuqa, laciifnimada iyo qabyaalada
ku dhisan.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com