Maxkamada gobolka Banaadir
oo xukuntay dad rayid ah
Maxkamada gobolka Banaadir ayaa dad loo haysto
dambiyo kala duwan oo gaaraya 6 ruux ku riday xukuno dhan 3
sano oo xarig ah.
Ilaa 6 ruux oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan ayaa waxaa
maanta xukuno xarig ah ku riday Maxkamada gobolka Banaadir kuwaasi
oo lagu eedeeyay dambiyo aan is laheyn oo ay ka mid tahay burcadnimo.
Gudoomiyaha Maxkamada Dr. Xaashi Cilmi Nuur oo ku dhawaaqay
xukunka ayaa sheegay in lexdaani 4 ka mid ah loo haysto dagaal
ay galeen iyaga dhexdooda halka labada kalana uu xusay in lagu
eedeeyay falal burcadnimo, waxaana lexdooda uu ku xukumay min
3 sano oo xabsi ah.
Maxkamada gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii dambey
dardar galisay xukunada ay ku rideyso dadka rayidka ee lagu
eedeeyo dambiyada kala duwan, iyadoo horay u xukuntay dad la
eedeeyay oo u xiran Maxkamada.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com