Maxkamada gobolka Banaadir
oo xukuntay dad lagu eedeeyay dambiyo kala duwan
Maxkamada gobolka Banaadir ayaa xukuno ay ka mid
tahay xabsi daain ku riday dad lagu eedeeyay dambiyo kala
duwan.
Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Dr Xaashi
Cilmi Nuur oo ku dhawaaqayay natiijada dacwo ciqaabaad ay Maxkamada
maanta qaaday ayaa waxa uu sheegay in ay xukuno kala duwan ay
ku rideen ilaa 5 ruux oo aan isku dambi ahayn.
Xaashi Cilmi ayaa 2 ka mid ah dadkaasi oo lagu
eedeeyay in ay dil gaysteen ku xukumay xabsi daain halka
labo kalana uu ku xukumay min 10 sano xarig ah kuwaasi oo lagu
eedeeyay inay dhac u gaysteen dad shacab ah, iyadoo mid kalana
lagu xukumay 5 sano oo xarig ah iyo in uu bixiyo lacago uu ka
qaatay dad shacab ah.
Maxkamada gobolka Banaadir ayaa todobaadyadii
u dambeeyay xukuno ku ridisay dad u badan rayid ah oo lagu eedeeyay
dambiyo kala duwan, iyadoo sidoo kale dhawaan xukun 15 sano
ah ku riday ku xigeenkii Xeer ilaaliyaha Maxkamada Qaranka.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com