Soomaali
lagu maxkamadeynayo Malesia
Muqtaar Maxamed Axmed oo ka mid ah Xoghayeenada
Safaaradda Soomaaliya
ee dalka Malesia ayaa waxa uu sheegay in 7 ruux oo soomaali
ah oo loo
haysto falal burcad badeednimo Maxkamad lagu soo taagayo dalkaasi.
Xoghayaha ayaa sheegay in dadkaani laga soo dulqabtay Markab
u rarnaa
Malesia hase ahaatee iyagu meesha ka saareen inay yihiin burcad
badeeda, waxaana uu xusay in sharciga dalkaani uga dagsan
arrimaha
burcad badeeda uu yahay dil balse ay dadaal ugu jiraan sidii
xukunka
loogu qafiifin lahaa oo xarig loogu badali lahaa.
Muqtaar Maxamed Axmed ayaa waxa uu sheegay in dhalinyaradaani
Soomaalida ah oo ku xiran Xabsi ku yaalla dalka Malesia ay
noloshooda
tahay mid wanaagsan oo uu ku booqday dhowr jeer halkaasi hase
ahaatee
waxa uu xusay inay ka fikirayaan waalidiintooda qaarkoodana
aysanba ka
warqabin waalidkooda inay ku xiran yihiin Malesia sida wiilka
magaciisa lagu sheegay Koore.
Safaaradda Soomaaliya ee Malesia ayaa waxa ay sheegtay in
ay ka
aqbashay dowladda wadanka inay la qafiifiyo dhalinyaradaani
xukunka
iyada oo loo eegayo duruufaha ka jira dalka Soomaaliya taasina
ay ka
aqbaleen.
Dalalka Caalamka ayaa waxaa ay dagaal caalami ah kula jiraan
burcad
badeeda Soomaalida, iyadoo dhalin badan oo loo qabtay falal
burcad
badeednimo ay ku xiran yihiin wadamo badan sida Jasiiradda
Siishalis,
India, Mareykanka iyo dalalka kale.