Maye:
Boolis ayaan geyneynaa goobaha laga xureeyay Shabaab
Isaga oo la hadlayay Warbaahinta Taliyaha Ciidamada Booliska
Soomaaliya Gen.Shariif Shiekhuna maye ayaa waxaa uu sheegay
in Deegaanadii Al-Shabaab lagala wareegay ee Gobolada Ku dhaw
dhaw Caasimada ay deen doonaan Ciidamo si gaar ah ugu taba
baran Baarista Miinooyinka Si ay uga Hor tagaan Waxyaabaha
qarxa ee Al-Shabaab ay ka tageen .
Taliyaha waxaa uu Sheegay in iyagoo ka hortagaya in Shacabka
iyo Ciidamadaba ay Dhibaato ka soo gaarto Miinooyinka ku aasan
dhulka ay Dhaqso u bilaabi doonaan Fulinta Qorshahaan oo ay
Ciidamo Geen Doonaan Dhamaan Deegaanadii Al-Shabaab laga saaray
ee Goboladda Shabeelooyinka .
Hadalka Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu Imaanayaa
iyadoo inta badan ay ka dhacaan Goobihii laga saaray Shabaab
Qaraxyo Khasaarooyin u geestay Shacabka oo lala eegto Ciidanka
Dowladda Soomaaliya waxaana aan la ogeyn sida ay uga fuli
doonto Booliska Soomaaliya Balan qaadka Nuucaan ah iyadoo
la wada og yahay in Balan Qaadyo badan oo la sameeyay aysan
dhaqan galin .