Maleeshiyaad
hubeysan oo duqeeyay magaalada Gaalkacyo
Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka
Mudug ayaa sheegaya
in Duqeyn maanta loo gaystay Garoonka diyaaradaha magaalada
Gaalkacyo
oo ku yaalla qeybta Waqooyiga ah oo ay Maamusho Puntland taasi
oo uu
ka hadlay Maamulka Puntland oo sheegay in duqeyntaani ay ka
timid
dhinaca Maamulka Galmudug.
Maareeyaha Garoonka magaalada Gaalkacyo ayaa
u sheegay Warlalis in
duqeyntaasi ay ka dambeeyaan maleeshiyaad hubaysan oo ku sugan
dhinaca
Koofurta magaalada ee Galmudug, waxaana uu xusay in duqeynta
ay hakad
galisay dhaqdhaqaaqii Garoonka oo uu sheegay inay fadhiyeen
diyaarado
rakaab.
Ilaa hada arrintaani ma uusan ka hadlin Maamulka Galmudug
hase ahaatee
dhowr jeer oo hore ayaa maleeshiyaad cidna aan ka amar qaadan
waxa ay
u duqeeyeen Garoonka magaalada Gaalkacyo.