Midowga
Yurub oo qabtay burcad badeed
Ciidamada badda ururka Midawga Yurub ee xeebaha Soomaaliya
ka wada hawlgalka loogu magac daray Atlanta ayaa sheegay inay
gacanta ku dhigeen koox ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin
burcad badeeda Soomaalida kuwaasoo waday hawlo ay ku doonayeen
inay qafaal ka geystaan.
War ka soo baxay xarunta Midawga Yurub ee Brussels ayaa waxaa
lagu sheegay in tirada kooxda la qabtay oo gaaraysa 7 ruux
ay wateen doon nooca dheereeya iyo hub iskugu jira gantaalaha
garbaha laga rido iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.
Warku waxaa uu sheegayaa in markabka dagaalka ee la yiraahdo
ITS San Giusto oo illaalo ka haya xeebaha Soomaaliya uu kooxda
burcad badeednimada lagu eedeynayo uu ka qabtay xilli ay marayeen
meel qiyaastii 300 oo mile dhanka bari u jirta jaziiradda
Soqodra ee dawlada Yemen maamusho.
Adm. Duncan Potts oo ah sarkaalka hogaaminaya ciidamada badda
ee dhalinyaradaan Soomaalida ka qabtay xeebaha Soomaaliya
u sheegay warbaahinta in hawlgalkaan ay ka qeyb qaateen 2
diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah waxaana uu intaa
ku daray inay maaganayeen inay qafaashaan markab siday shidaal
oo halkaasi marayay.
Burcad badeeda Soomaaliyeed oo ku andacoota inay biyaha Soomaaliyeed
ka illaaliyaan maraakiibta iyo doonyasha shisheeye ee sida
sida sharci darrada ah uga kaluumaysta biyaha Soomaaliya ayaa
qafaasha gaadiid badeedka soo gala biyaha Soomaaliya.