AMISOM:
Walaweyn waxa ay inoo leedahay Muhiimad
Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska warbaahinta AMISOM
ayaa lagu
sheegay in qabashada degamada Walaweyn ay muhiimad weyn u
leedahay
howlgalka lagula dagaalamayo dhaqdhaqaaqa Alshabab,
Taliyaha ciidamada midowga Afirca General Andrew Gutti oo
warsaxaafadadkan ku xusan ayaa muhiimad gaara siiyay qabsashada
degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose,
Qabashada Walaweyn ee ciidamada Somaliyed iyo kuwa AMISOM
waxaa ay
xoriyad siineysaa shacabka ku dhaqan degaanadaasi oo ku godoonsanaa
in
muda ah,
waxay muhiim u tahay isku socodka ganacsigooda, iyo sdioo
kale in
hayadaha gargaarku ay markale dib uga howlgalaan goobahaasi
ay
Shabababka u diideen in kooxaha samafalka ay ka howlgalaan.
Taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutii waxaa uu sheegay in
ciidamda
Somalida iyo kuwa AMISOM ay sii wadi doonaan howlgalada ay
ku
qabsanayaan qaarka mida magaalooyinka ku yaala gobolada ay
ka taliyaan
Alshabaab.