Muran
ka taagan Ergada Puntland ee ansixinta dastuurka
Murankaani ayaa waxa uu yimid kadib markii sida la sheegay
Odayaasha
kasoo jeeda Puntland ay soo xuleen Ergo u gaar ah oo ka qeyb
qaadata
ansixinta dastuurka iyadoo Maamulka Puntland uu isna dhankiisa
diyaariyay Ergada uga qeyb galaysa Shirkaasi.
Mid ka mid ah Odayaasha kasoo jeeda Puntland ayaa waxa uu
xaqiijiyay
Websetka Warlalis in Odayaasha ay soo xuleen Ergadii Puntland,
waxaana
sidaaasi awgeed uu sheegay in ay fowdo u arkaan Ergada uu
ku
dhaawaaqay Maamulka Puntland taasina aysan xal aheyn.
Waxa uu sheegay Oday dhaqameedkaani in Odayaasha ka socda
Puntland ay
iyaga xaq u leeyihiin soo xulista Ergada ansixinta dastuurka
oo wax
shaqo ah uusan ku laheyn arintaasi heshiiskana waxa uu sheegay
in uu
ahaa in Odayaasha ay u madax banaanyihiin howlaha loo xilsaaray.
Puntland ayaa waxa ay horay u sheegtay in Ergadeeda ay iyada
soo
xulaneyso dhawaana waxa ay ku dhawaaqday Ergadaasi lamana
oga saameyn
ay arintaani yeelan doonto.