» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Avv Murashax C/raxmaan C/shakuur : Waa in Jaamacadii Soomaaliya Dib Loo Furaa .



Avv Murashax C/raxmaan C/shakuur

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo uu ka qaybgalay musharaxa xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya Avv C/raxmaan C/shakuur ayaa lagu qanbtay xarunta Jaamacada Soomaaliya ee Muqdisho. Xaflan oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyey arday ka qalinjebisay kuliyada Ganacsiha ee Jaamacada Soomaaliya ayuu Musharaxu ku dheeraaday ahmiyada ay waxbarashadu leedahay iyo in loo baahanyahay in tayayeeyo tacliinta sare ee dalka.

Musharax ayaa ku amaanay masuuliyiinta iyo ardayda Jaamacada Soomaaliya dadaal iyo karida dheeriga ah ee ay muujiyeen sanadihii lasoo dhaafay, taasoo keentay in ay gurtaan mirihii ay dhibka badan u soo mareen.


"Waan garan karnaa duruufta ay ku shaqaysaan, in macalinkii, manhajkii, miisaaniyadii, maktabadihii, xarumihii, laababkiiba iyo weliba amaankii la doonayo in aad idinka uun diyaarisaan, taasi macnaheedu waa wax walba adigaa lagaa doonayaa in aad qabato". Wuxuu kaloo musharaxu bogaadiyey jaamacadaha gaarka loo leeyahay, isagoo sheegay in dawladu ka gaabisay dib u furidii iyo soo noolayntii Jaamacadii dawlada.


" Waxaa lagama maarmaan ah in Jaamacadii Ummada dib loo furo lana hawlgeliyo", isagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la magacaabo gudi ka shaqeeya dib u hawlgelintii Jaamacadii Ummada.


Mar uu la hadlayey Musharaxu ardayda qalin jebinaysa ayuu ku booriyey in ay waxbarashada sii wataan, isagoo sheegay in sida keli ee ay kusii wadan karaan ay tahay in aqriska joogteeyaan.


"Mutacalin ma noqon kartid hadii aadan wax aqrin, suuradii ugu horaysay ee soo degtana waxay ka hadashay wax aqrin". Wuxuu kaloo Mudane C/shakuur sheegay in waxbarashada nafciga leh ay tahay tan maskaxda furta, kobcisan garaadka, korna u qaada wacyiga,
" Waxbarasho waa tii kuu suuragelisa in aad wax naqdi karto, lafaguri karto, mushkilad xalin karto ee ma ahan in aad wax uun xifdido kana baxdo".
Musharax ayaa gebgebadii hadalkiisa balan qaaday in uu tacliinta xooga saari doono, xoogana saari doono horumarinta Falfasafad waxbarasho oo danta dadka iyo dalka u adeegta.





 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden