Gudiga
Musuq maasuqa oo ugu baaqay DKMG ahayd inay hantida soo wareejiyaan
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka musuqmaasuqa,
Khadra Maxamed Ciise ayaa sheegtay in keliya labo wasaaradood
ay ka soo jawaabeen codsi ay horey ugu gudbiyeen hayadaha
xukuumaddii KMG aheyd, kaasoo ku saabsanaa soo gudbinta hantida
ma guurtada ah iyo guurtada ee uu leeyahay qaranka Soomaaliyeed.
Khadra waxay sheegtay in wasaaradaha arrimaha dibedda iyo
tan qorsheynta ay soo gudbiyeen diiwaanka shaqaalihii u shaqeynayay
oo isugu jira kuwo joogta ah iyo kuwo aan joogto aheyn.
Waxay sheegtay in wasaaradda qorsheynta ay soo gudbisay hal
baabuur oo duq ah, halka wasaaradda arrimaha dibedda aaneyn
soo gudbin wax baabuur ah, marka laga soo reebo diiwaanka
shaqaalaha oo ay labadooduba soo gudbiyeen.
Khadra waxay wasaaarad kasta ka codsatay inay si deg-deg
ah u soo gudbiso diiwaanka hantida iyo shaqaalaha, si dowladda
cusub ay u hesho meel ay wax ka billowdo.
Waxay intaas ku dartay in haddii aan hantidaas la helin ama
aan la diiwaan-gelin ay dowladda cusub ku khasbanaan doonto
inay howsha ka billowdo eber; oo la mid ah in hantida qaranka
iyo dhaqaalaha dalka ay baabaeen.
Qalin hadduu yahay waxaan codsaneynaa in ninka wasiirka
ah, ninka madaxweynaha ah, ninka raysul wasaaaraha ah ama
ninka raysul baarlamaanka ah uu noo soo gudbiyo, isla markaana
uu kaga tago miiskii uu ku shaqeynayay, ayay tiri Khatra.
Waxay kaloo hayadaha dowladda ka codsatay inay soo
gudbiyaan liiska shaqaalaha dowladda oo tifaftiran, heerarkooda,
waxa ay yihiin iyo jagooyinkooda, iyadoo walaac ka muujisay
in haddii liiska shaqaalaha la waayo ay noqon doonto in howsha
laga soo bilaabo eber.
Guddiga madaxa bannaan ee qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa
waxaa la magacaabay January 2012, wuxuuna ka koobana yahay
sagaal xubnood.