Ciidamo
Nigerian ah oo Muqdisho soo gaaray
Ururka midawga Africa ayaa sheegay in magaalada Muqdisho
ay dhawaan soo gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada wadanka
Nigeria kuwaasoo qeyb ka noqon doona ciidamada Booliska AMISOM
ee Muqdisho ka hawl gala.
War saxaafadeedka kasoo baxay ururka Midawga Africa ayaa
waxaa lagu sheegay in 16,kii bishaan September, ay magaalada
Muqdisho soo cago dhigteen cutubyo ka tirsan ciidamada boolidska
dalka Nigeria kuwaasoo ku biiray hawlgalka ay magaalada Muqdisho
ka wadaan booliska AMISOM.
U qaabilsanaha wakiilka arrimaha ururka midawga Africa u
qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Abuu Bakar Diyara ayaa
sheegay in ciidamada Nigeria ka socda ay ka hawl gali doonaan
magaalada Muqdisho kuna gacan siin doonaan ciidamada booliska
Soomaaliya sugida amaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Midawga Africa waxaa Soomaaliya ka jooga dhawr kun oo askari
kuwaasoo militry iyo boolis iskugu jira.