Nin
lagu eedeeyay teegeerada iyo dibaxbaxyadii Mombasa oo lacag
lagu sii daayay
Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa lacag gaareysa 12,000
oo dollar una dhiganta 9,000 Euro kusii deysay Wadaad caan
ah oo lagu eedeeyay inuu kiciyay banaan baxyadii dhawaan ka
dhacay Magaalada xeebta leh ee Mambaasa islmarkaana uu taageeri
jiray Xarakada Al-Shabaab ee Soomaalia ka dagaalanta
Sheikh Abubaker Shariff Ahmed oo loo yaqaano Makaburi, ayaa
Boliska Kenya ay dhawaan xabsiga dhigeen iyagoo dusha u saaraya
inuu masuul ka ahaa isusoobaxyo ka dhashay sheikh lagu dilay
Mambaasa iyo inuu dhalinyarada ku dhiiri galin jiray inay
ku biiraan Ururka Al-Shabaab oo ay gudaha Kenyana Qaraxyo
ka geystaan
Xeer ilaaliyaha Maxkamada Magaalada Mambaasa Elvis Micheka
waxa uu ku dhawaaqay Isniinta maanta in eedeeysanahaasi uusan
wax lug ah ku leheyn dambiyada loo heystay islamarkaana lacagtaasi
lagu gaanaaxay si uusan ugu dhiiran taageerada Al-Shbaab
Mr Makaburi iyo qareenadiisa ayaa maxkamada ka hor cadeeyay
inaysan waligood taageerin ururkaShabaab ee Soomaalia
Sheikha maanta Maxkamada Kenya ay sheegtay inay dambiga ku
weysay kadibna ay siideysay ayaa horay waaxda Maaliyada Mareykanka
ay u cunaqabateysay dhaqaalihiisa iyadoo lagu tuhmayo inuu
ka tirsan yahay Ururka Al-Qaacida gaar ahaana Al-Shabaabka
Soomaalia.