Obama: Soomaaliya
waa halka looga soo duulo Mareykanka
Warqad uu u diray koongareeska dalka Mareykanka
Madexweynaha dalkaasi Barak obama oo ayaa waxa uu ku sheegay
in xaaladda Somalia haatan ay noqotay mid wal walkeeda leh oo
aan caadi aheyn islamarkaana ay ka soo muuqanayaan arimo muujinaya
falal argigixisinimo oo mareykanka ka dhan ah .
Barak Obama ayaa sheegay in dowladda mareykanka
ay si aad ah uga wal walsantahay waxa ka dhalan kara xaaladda
ka jirta dalka dalka Somalia oo uu ku sifeeyay inay tahay dhibaato
caalamka oo idil ku faafeysa haddii aan wax laga qaban.
Arimaha burcad badeedda , kooxo uu ku sheegay
qaswadayaal iyo hanjabaada kul kulul ee ka soo baxaya Al shabab
kuna wajahan caalamka waxa ay muujinayaan in Somalia ay ku jirto
marxalad tii ugu adkeyd oo lama huraan ay tahay in talaabo laga
qaado ayuu yiri Mareykanka
Madaxweyne Obama ayaa tilmaamay in Somalia ay
saldhig ay ka dhigteen waxa uu ku sheegay argigixisada islamarkaana
laga soo abaabulo weerarada iyo qaraxyada ka dhanka ah mareykanka
ee lagu bartilmaamsanayo xarumaha mareykanku uu ku leeyahay
qaaradda Africa.
Madexweyne obama ayaa tilmaamay in lagu xadgudbayo
cunaqabteyntii hubka ee la saaray somlia bishii janaayo ee sanadkii
1992dii
Xaafiiska Wararka Warlalis.com