Odayaal
isaga baxay Shirka Odayaasha ee Muqdisho
2 ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee Shirka Muqdisho ayaa
shaaciyay
inay Shirka Odayaasha isaga baxeen, iyaga oo faahfaahiyay
sababta
keentay inay isaga baxaan Shirkaasi.
Nabadoon Maxed Xasan Xaad oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka
ayaa waxa
uu sheegay in sababta uu isaga baxay Shirka Odayaasha ay tahay
iyaga
oo ka waayay Shirka doorkii ay ku lahaayeen Odayaasha oo uu
sheegay in
lagu hayo faragalin oo aysan u madax banaaneen shaqadooda.
Xaad ayaa sheegay in waxyaabo qaldan ay ku jireen dastuurka
kuwaasi
oo uu sheegay in laga diiday Odayaasha inay wax ka badalaan,
waxaana
sidaasi awgeed uu sheegay in ay ka baxeen Shirkaasi isaga
iyo
Gudoomiye ku xigeenka Odayaasha beelaha Hawiye waxii ka yimaadana
dastuurka ay u cadeynayaan Umada in aysan masuul ka
aheyn.
Maxed Xasan Xaad waxa uu ka mid ahaa Odayaasha ugu caansan
ee shirka
lamana oga talaabadaani inay horseedi karto in Odayaasha kale
ay
isaga baxaan Shirka.