Odayaasha dhaqanka oo
bari laga sugayo Ergada ansixinta dastuurka
Xili wax yar ay ka dhiman tahay bisha August oo
la doonayo in laga gudbo KMG ayaa Raiisal wasaaraha soomaaliya
C/wali Maxed cali Gaas oo Shir Jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa
Muqdisho waxa uu odoyaassha dhaqanka ugun baaqay in maalinta
bari ah ay soo gudbiyaan Ergadii ansixin laheyd dastuurka Cusub
ee Soomaliya waxaana uu xusay in loobahan yahay in 21 bisha
uu furmo shirkii la isugu diyaarin lahaa sidii loo soo xuli
lahaa Baarlamaanka Cusub
Gaas ayaa tilmaamay in waqtiga ay dowlada heysato uu yahay mid
ka yar 35 malmood howlo fara badana ay horyaalaan marka sidaa
darteed ay odoyaasha manta oo taariiqdu tahay 19July ay ka sugaayeen
ergadii ansixin laheyd dastuurka balse aysan beri dib u dhicin
arintaasna ay odoyaasha ku adkeenayaan in ay fuliyaaan.
Odoyaasha dhaqanka ayaa waxaa horyaala howlo fara badan oo ay
ka mid tahay in ay soo xulaan ergadii ansixin laheyd dastuurka
kadibna ay isku diyaariyaan soo xulista baarl;maanka Cusub ee
soo dooranaaya 20 August madaxda dowlada Cusub ee yeelaneyso
Saoomaaliya
Xaafiiska Wararka Warlalis.com