Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed
oo Goaan adag siiyey Madaxda Dawladda KMG ah ee Soomaaliya
iyo Amb Mahiga. Dhaqanka Soomaaliyeed oo diidey in Maxlal laga
dhigto!!!

Xubno uu horkacayo Raisul wasaaraha ku xigeenka
ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdiwahaab Ugaas, Wasiirka Qorsheynta
Mudane Goodax iyo xubno kale oo badan oo ka socday golaha wasiiradda
Soomaaliya ayaa maanta u tagay odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed
iyaga oo u sheegay inay ka qeyb galaan siminaar Dawladdu iyo
Mahiga Doonayaan inay u qabtaan Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed,
sidoo kale waxaa ay odoyaasha ka codsadeen inay si degdeg ah
usoo gudbiyaan xubnihii ansixin lahaan Dastuurka muranka badani
ka taagan yahay.
Afhayeenka odoyaasha Dhaqanka ee shirka uga socdo
magaalada Muqdisho Garaad Jaamac ayaa u sheegay xubnaha ka socday
dawladda Soomaaliya kahor inta inta aysan soo gudbin xubnaha
ansixinta ama diidida Dastuurka inay ka doonayaan dawladda Soomaaliya
inay warcad ka siiyaan waxa ay uga tashanayaan Madaxda Dawladda
Soomaaliya iyo Xubnaha lagu sheegay saxiixayaasha maadaama ay
maalmahaan ka soo baxayeen hadalo is burinaya.
Garaad Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa u sheegay
madaxda Dawladda iyo Xafiiska Amb. Mahiga hadaanu nahay odoyaasha
dhaqanka Soomaaliyeed waxaad horey noogu sheegteen markaanu
iskugu nimid magaalada Muqdisho in taladii umadda Soomaaliyeed
ay gacanteena ku jirto nalagana doonayo inaan ka shaqeyno danta
umadda Soomaaliyeed, waxaadse haddana gadaal ka sheegteen hadaanu
nahay odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed inaanu laheyn goaan
balse aan leenahay oo kaliya talo soo jeedin, soo jeedintaasna
aad adinku goaankaad rabtiin ka qaadanaysiin, marka ay
arintu sidaa mareyso waxaan idinka rabnaa laba arin inaad noo
kala cadeysiin si aan goaan uga qaadano.
1- Qodobka Koowaad ayuu ku sheegay in sidii aan
horeyba noogu sheegteen uguna balanay hadaanu nahay odoyaasha
dhaqanka Soomaaliyeed in aan talada umadda Soomaaliyeed ay gacanteena
ku jirto, wixii umadda Soomaaliyeed u dan ahna aan ka shaqeynayno.
2- Qodobka Labaad ayuu ku sheegay inaad doonaysaan
inaad Maxlal naga dhigataan oo wixii aad adinku rabtiin odoyaal
idiin meel mariya inaan noqono.
Garaad Jaamac ayaa u sheegay xubnihii ka socday
dawladda iyo Xafiiska Amb. Mahiga in ay Jawaab ka siiyaan labadaas
qodob si odoyaasha Dhaqanku goaan u qaataan.
Xubnihii ka socday Dawladda Soomaaliya oo uu hogaaminayey
Raisul wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka Ganacsiga ayaa u sheegay
in aysan arintaas hadda goaan ka siin Karin oo ay arintaan
dib iskula laabanayaan.
Madaxdii ka socotay Dawladda oo sii wata hadalkooda
ayaa ka codsaday odoyaasha dhaqanka in ay ka qeyb galaan siminaar
la rabay in loo qabto odoyaasha dhaqanka, siminaarkaas oo la
rabay inuu maanta Bilaawdo.
Balse waxaa hadalkii qaatay gudoomiyaha odoyaasha
dhaqanka iyo Midnimada Beesha Hawiye isaga oo u sheegay madaxda
Dawladda in ay siminaar geli Karin Maanta odoyaasha dhaqankuna
uu u socdo shir iyaga u gaar ah, firaaqana aysan haysanin maanta,
balse ay Jawaab ka sugayaan Madaxda Dawladda in labada qodob
oo odoyaasha dhaqanku weydiiyeen inay Jawaab ka soo siiyaan
si degdeg ah si odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay goaan
uga qaataan arimaha socda.
Marka hadalku uu intaas marayo ayey Madaxdii Dawladda
Soomaaliya ka socotay u sheegeen odoyaasha dhaqanka in ay dib
isugu laabanayaan qodobada la weydiiyayna ay ku wargelin doonaan
Madaxda Dawladda oo haatan qaarkood dibadaha ku maqan yihiin
jawaabtana ay si degdeg ah ugu soo celin doonaan.
Shirkii ayaa intaasi kusoo gabagaboobay iyadoo
aan wax goaan ah la gaarin. Goaanka maanta ay qaateen
odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee shirka uga soconayo Magaalada
Muqdisho ayaa ah goaankii ugu wanaagsanaa ee ay ebid qaataan
odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta usoo muuqatay
in odoyaasha dhaqanka soomaaliyeed oo ay weli ku danbeyso dadnimo,
ayna yihiin kuwo aan qaadaneynin in loo yeeriyo wax kasta oo
umadda Soomaaliyeed dhibaato u horseedaya.
Amb. Mahiga iyo Saxiixayaasha Road mab-ka ayaa
manta waxaa soo foodsaaray caqabadii ugu adkeyd kadib markii
ay si indha laaan ah horey ugu inkireen Baarlamaankii
Soomaaliyeed horeyna u sheegeen in Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed
la isku keenayo goaanka umadda Soomaaliyeedna ay iyagu
leeyihiin, balse odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay manta diideen
inay noqdaan dad la marsado wax aysan iyagu ogeyn.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com