Oxfarm
oo ka digeysa qatarta Soomaaliya
Hayadda Gargaarka ee Oxfarm UK ayaa sheegtay in xaalad
Nafaqa dari oo
baan ay ka jirto Somalia, taasoo ka dhalatay roob yari,
dhaawacay
dalagii la filanayay in beeraha uu ka soo goo xilli
roobaadkii Guga.
Hayadu waxaa kaloo sheegtay in qiimaha cunta qutul
daruuriga ah uu
kor u kacay, isla markaana hadii aan Somalia gargaar deg deg
ah lala
gaarin xaaladu ay ka soo dari doonto.
Maryam Xassan Cabdi oo ah sarkaal ka tirsan qeybta mashaariicda
Somalia ee xafiiska hayadda ee magaalada Nairobi ayaa
waxa ay
sheegtay in dhibaatadaasi nololeed aysan aheyn mid sahlan,
waxaana ay
ugu baaqday Hay'adaha samafalka inay caawinaad u fidiyaan
dadka ku
tabaalaysan Soomaaliya.
Hay'adda ayaa waxa ay sheegtay in dhibaatada ugu badan ee
haysata
Hay'adaha ay tahay al Shabaab oo ka mamnuucay deegaanada ay
ka
taliyaan taasi ay uga sii darayso dadka xaaladooda nololeed.
Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii hore ku dhuftay abaaro baahsan
oo
saameeyay nolosha dad badan oo ku tiirsan beeraha iyo xoolaha
nool.