Qarax
caruur ku dilay Gedo
Qarax miino oo ka dhacay deegaanka Ceelcade
ee gobolka Gedo ee Koofur
bari dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sababay geerida iyo dhaawac
caruur
yaryar sida uu kusoo warmayo mid ka mid ah dadka deegaanka.
Dadka deegaanka qaraxa uu ka dhashay miino deegaanka taalay
oo
caruurta ay ku ciyaareen oo dhulka ay ku garaaceen taasi oo
keentay
inay ku qaraxdo caruurta.
Labo caruur ah ayaa ku geeriyooday qaraxa halka tiro intaasi
ka badana
ay ku dhaawacmeen, iyadoo dadka dhaawacmay loo qaaday Xarumaha
caafimaad ee ku yaalla magaalada Garbahaareey.
Deegaanka Ceelcade oo ay horay u maamulayeen Al Shabaab ayaa
waxaa
hada gacanta ku hayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya.