Qarax ka dhashay gaari
uu la socday Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Bani'aadanimada Maxamuud
Cabdi Garweyne ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Bacadlihii hore
ee degmada Xamar weyne
Qarax ka dhashay gaari uu la socday Wasiirkii
hore ee Ganacsiga iyo Bani'aadanimada Maxamuud Cabdi Garweyne
ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Bacadlihii hore ee degmada
Xamar weyne, iyadoo dhaawacyo ay ka soo gaareen qaar kale oo
Ilaaladiisa ahaa.
Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ee loo yaqaano Kaarib ayaa markii
hore loo maleynayay inuu ahaa mid ismiidaamin ah, hase ahaatee
markii dambe la ogaaday in gaariga qaraxa uu saarnaa, dabadeedna
uu qarxay.
Meydka Wasiirkii hore Ganacsiga iyo Bani'aadanimada Maxamuud
Cabdi Garweyne ayaa daqiiqado ka hor laga soo saaray gaariga,
inkastoo qaar ka mid ah jirkiisa ay go' go'een, waxaana uu ahaa
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir
Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax) ayaa in qaraxa uu ku
dhintay Maxamuud Cabdi Garweyne.
"Waxaa ka dhacay meesha la yiraahdo Bacadlihii hore Xamar
weyne iyo inta u dhaxeysa Guryaha Uunlaaye ayaa baabuur socda
uu wato wasiirkii hore Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne ayaa
qarax ka dhacay asigaa ku dhintay, niman la saarnaayeen ayaa
wax gaareen, hadii arrintaas la eegana sida ay u dhacday miino
asiga loo geliya baabuurka ayay u egtahay, qaabka wax u gaarsiisay
iyo qaabka ay qaraxday"ayuu yiri Warsame Joodax oo Wariyaha
Jowhar.com qadka taleefanka kula hadlay.
Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa soo gaaray goobta qaraxa ka
dhacay, iyagoo xiray wadada, waxaana xaalada qeybo ka mid ah
degmada Xamar weyne ay noqotay mid kacsan, iyadoo ay istaageen
ganacsigii qaar ee suuqa ka jira.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay baaritaan ku sameynayaan
qaraxa iyo qaabka uu u dhacay oo ahaa mid qorsheysnaa oo gaariga
loogu xiray Wasiirkii hore Ganacsiga Maxamuud Cabdi Garweyne.
Qaraxan ayaa noqonaya nuuciisa kii u horeeyay Xildhibaan ka
tirsan dowladda lagu bartilmaameedsado gaarigiisa, isla markaana
kursigiisa qarax loogu xiro, inkastoo aanay wali cidna sheegan
Xaafiiska Wararka Warlalis.com