Qasaaraha ka dhashay
qaraxyo lagu dili rabay Madaxweynaha cusub.
Wararkii u dambeeyay ee aanu ka heleyno Hoteelka Jasiira
ee magaalada Muqdisho oo Qaraxyo ay maanta gilgileen ayaa
waxa ay sheegayaan in dhimashada iyo dhaawaca qaraxyadaasi
ay sii korortay.
Qaraxyada oo ahaa kuwa ismiidaamin oo lala damacsanaa in
lagu qaarijiyo Madaxweynaha Cusub Xasan Sheekh Max'ud oo Hoteelka
kula shirayay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya iyo xubno kale
ayaa waxaa ku dhintay 7 ruux oo isugu jira askarta dowladda
iyo AMISOM halka in ka badana ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa koowaad markii uu dhacay ayaa waxaa ka dambeysay rasaas
Daqiiqado Socotay oo ay is waydaarsadeen Ciidamadii Goobta
ku sugnaa iyo Kooxo hubeysan oo la socday raga isqarxiyay
iyadoo qaraxa labaadna uu dhacay Daqiiqado ka dib .
Waxaa durba goobta Xiray Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM
iyadoo halkaana ay si dhaqso ah u gaareen Saraakiisha Ciidamada
oo dhan iyo Ciidamo Fara badan kuwaas oo isku gadaamay Hotelka
dadka iyo gaadiidkana u diidaya in ay wadada adeegsadaan.
Al Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan weeraradaani
isqaraxinta oo looga bartay inkastoo aysan war rasmi ah kasoo
saarin hase ahaatee Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne
Xasan Sheekh uu la mid yahay Madaxweynayaashii hore ayna la
dagaalamayaan dowladiisa.