QM
oo sheegtay inay muhiim tahay qabsashada Kismaayo
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Howlgallada
Ciidamada huwanta ay ka wadaan gobolada Jubbooyinka islamarkaana
lagula wareegay Magaalada Istaraatiijiga ah ee Kismaayo ay
tahay
howshaha ugu muhiimsan oo ay hadda qabteen Ciidamada AMISOM
iyo kuwa
Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa waxa ay tibaaxday in qabashada Magaalada
Kismaayo ay dhabar jab ku tahay Xarakada Al Shabaab, iyadoo
Kismaayo
ay tahay Godkii ugu weynaa oo ay ku lahaayeen dalka Soomaaliya,
haddana ay ku laaban yihiin gobo faro ku tiris ah, lagana
saari doono.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu sidoo kale
sheegay in
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay ku caawinayaan sidii
ay
gacanta ugu dhigi lahaayeen meelaha yar oo ay hadda ku sugan
yihiin Al
Shabaab, loogana hortagi lahaa in goboladaasi ay ka dhacaan
falal
aargigixisonimo.
Ugu dambeyn QM ayaa ugu baaqday Ciidamada Dowladda Soomaaliya,
Kenya
iyo Ururka Raaskamabooni inay ka taxa daraan dhibaato loo
geysto dadka
rayidka ah islamarkaana aysan ku dhex dagaalamin goobaha ay
u badan
yihiin dadka shacabka ah.