Odayaasha dhaqanka oo
qodobo qaldan ka saaray dastuurka
Kulankaani ay Odoyaasha dhaanka ku yeesheen magaalada
Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadleen arrimo la xiriira dastuurka
loo sameynayo dalka oo ay ka saareen qodobo qaldan.
Caaqil Cali C/laahi oo gabagabada Shirka kadib
la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in dastuurka laga
saaray qodobka 7aad farqadiisa 3aad kaasi oo ku saabsanaa xududa
dalka waxana ay odoyaasha isku waafaqeen in qodobkaas iyo qodobo
kale laga saaro dastuurka xuduuda soomaaliyana ay tahay meesha
uu xusaaayo dastuurkii 60kii
Xiliyadii udambeeyay ayaa waxaa jiray qilaaf u
dhaxeyay madaxda dowlada iyo odoyaasha dhaqanka kaasi oo ku
aadanaa qodobo ka mid ah dastuurka cusub
Xaafiiska Wararka Warlalis.com