Maraykanka
oo dajiyay qorshe dagaal oo ka dhan ah Al-Shabab
Xoghayaha difaaca dalka Maraykanka Leon Panetta ka
hadlayay kulan ka dhacay magaaladda Washington ayaa sheegay
in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada safka hore ee uga jira
inay kula dagaalamaan dagaalyahanada Al-Qacida.
Leon Panetta waxaa uu xusay waxaa in dawladiisu ay hadda
qorshaha ugu jiraan oo ay dajiyeen istiraatijiyad ay ku wajayahayaan
dagaalyahanada Al-Qacida waxaana uu sheegay in Soomaaliya
safka hore uga jirto daslalkaas.
Qorshaha Maraykanka ayuu sheegay xoghayaha difaaca
Maraykanka inay ugu jiraan inay su buuxda ugu ugaarsadaan
Al-Qacidada ku sugan wadamada Soomaaliya, wadamo ku yaala
waqooyiga qaaradda Africa, Yemen iyo Afghanistan oo uu ku
sheegay inay yihiin wadamada ugu badan ee xilligaaan Al-Qacida
ku xoogan tahay.
Soomaaliya waxaa uu sheegay in inkastoo la wiiqay awoodii
ay lahaayeen sanado ka hor haddana Maraykanku uu si buuxda
isha ugu hayo waxa ka socda qorsheynayaana inay tilaabo ka
qaadaan xubnaha Al-Qacida ka tirsan ee Shababka caawiya.
Booga ay Internet,ka ku leedahay waaxda difaaca Maraykanka
ee Pentogon, ka la yiraahdo ayaa waxaa lagu qoray in waxa
ugu badan ee walwalka ku haya Maraykanka uu yahay iskaashiga
ka dhaxeeya Xarakadda Al-Shabab iyo dagaalyahanada Al-Qacida
ee dhaq dhaqaaqyada ka wada wadamo ku yaala waqooyiga iyo
galbeedka qaaradda Africa iyo kuwa dalka Yemen.
Qorshaheenu waa dagaal ka dhan ah Al-Qacida iyo xulafadooda
ku sugan afarta wadan ee aan sheegay kuwaasoo xilligaan aanu
si gaar ah ahmiyada u siinayno ayuu yiri xoghayaha
difaaca dalka Maraykanka Leon Panetta.
Maraykanka ayaa si weyn ugu lug leh arrimaha amaanka iyo
siyaasadda wadamo ka tirsan dunnida Muslimka oo Soomaaliyana
ka mid tahay.