Musharax Dr Cabdiraxmaan
Cabdishakuur: Wadahadalka lala galayo Somaliland waa ka
weynyahay in olole Doorasho loo isticmaalo. Munaasabadii
Xafladdii 1-da Luuliyo oo ay ka soo qeyb galeen...

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu
xusayey Sanadkii 52-aad ee Xoriyadii Soomaaliya iyo Midnimadii
labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, islamarkaana lagu soo dhowaynayey
Musharax xilka madaxweynimo ee Soomaaliya Dr C/raxmaan C/shakuur
Warsame ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xafladda oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Dhalinyarada
Xoriyo ayaa waxaa kazoo qeyb galay qeybaha bulshada sida Siyaasiyiin,
Xildhibaano, Odayaal Dhaqameed, Saraakiil sar sare, Haween iyo
Fanaaniinta Qaranka ee Waaberi, waxaa dadkii ka hadlay ka mid
ahaa Madaxweynah Maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Dr Maxamad Tiiceey,
General Cabdi Qaybdiid, Generaal Nuur Taqsiin, Generaal Caare,
Wasiirkii Hore ee TNG Korneyl Cabdiweli Gorod, Generaal Yuusuf
Siyaad Indhacade, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Nabada iyo Dimoqoraadiyada
Mudane Dr Abdullahi Sheekh Daahir Muhidiin, Xildhiban Suleymaan
iyo Xildhibaano kale oo badan iyo Afhayeenka Dhalinyarada Ururka
Xoriyo.
Dadkaas ayaa dhamaantood ku dheeraaday muhiimada
ay xoriyadu leedahay iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir
ah loogu istaago weyneynta maalintaas. Waxay kaloo soo dhoweeyeen
Musharax xilka Madaxweynaha Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb ayaa isagu sheegay
in loo baahanyahay in dadaal dheeri ah la sameeyo oo xaalda
wax laga bedelo si ay macno u yeelato maalinta aanu u dabaaldegayno
ee 1da Luulyo, isagii dhinaca kale sheegay inuu taageersanyahay
Musharaxa Dr C/raxmaan Cshakuur uuna aaminsanyahay inuu yahay
nin karti iyo aqoon leh kana soo dhalaali karo hawsha uu isutaagay.
Generaal Cabdi Qaybdiid ayaa isaga dhiniciisa
sheegay in dhalinyaradu ay u istaagaan dib u dhiska dalka iyo
soo noolaynta qarankii Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyey Miusharaxa
in Ilaaheey Xilkiisa ku guuleeyo.
Sidoo kale waxaa halkaasi qudbo qiimo leh ka jeediyey Dr Cabdullahi
Sheekh Daahir oo ah Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Nabada isaga
oo sheegay in maanta oo ah 52 guurada Maalinta Xornimada iyo
Midnimada Soomaaliya ay tahay maalin naga mudan qadarin weyn,
Dr cabdulaahi ayaa sidoo kale sheegay in uu si weyn u taageersan
yahay Musharaxnimada Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Dr Cabdullaahi Sheekh Daahir ayaa sheegay in dalku
u baahan yahay isbedel aysana suuragal ahayn madaxda xiligaan
oo waxqabadkooda la arkay inuu aad u yar yahay markale lagu
tijaabiyo xukunka isaga oo sheegay in umadda Soomaaliyeed ay
leedahay aqoonyahano badan oo dalka ka saari kara dhibaatada
iyo colaadaha uu ku jirey 22-dii sano oo lasoo dhaafay dadkaasina
uu Kow ka yahay Musharaxa Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Dr Cabdullaahi
Sh Daahir ayaa sheegay in wadahadaladii dhex Maray TFG iyo ARS-tu
ee ka dhacay Jabuuti ay ku guuleysteen gacantii weyned ee uu
ka geystay isfahamsiinta labada Dhinac Dr Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xildhibaan Sulaymaan Maxamad ayaa sheegay inuu
soo dhowaynayo Musharaxnimada Cabdiraxmaan C/shakuur, isagoo
dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Xafladii 1da Luulyo
ee xalay lagu qabtay Madaxtooyada Soomaliya ay ahayd mid lagu
hayb soocayo dadka , isagoo tilmaamay in isaga iyo Xildhibaano
kale ilinka loo Istaagay loona diiday in ay xaflada ka qaybgalaan,
iyadoo dad shicib ah oo ilaalada madaxweynaha qaraabo yihiin
ooda laga qaaday.
Xildhibaan Sulaymaan ayaa arrintaas ku tilmaamay
mid niyad jab leh isagoo sheegay in Xafladani ay ka duwantahay
kuwii hore dhinaca agaasinka, dadka kasoo qaybgalay iyo qiirada
dadka ka muuqata intaba.
Musharaxa Madaxweynaha ayaa markii Makarafoonka
lagu soo dhoweeyey waxaa la saaray heesta qaranka ee Soomaaliyeed
Toosoo, iyadoo dadkii oo dhan ay wada Istaageen sacab iyo sawaxana
isku dareen.
Dr C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu horayntii codsaday
in Faataxada loo aqriyo dadkii Xoriyadan aan harsanayno kasoo
shaqeeyey, isagoo dhinaca kale timaamay in geesiyaalkii soo
halgamay ay haysteen rasumaal Bulsho taasoo Musharaxu
ku tilmaamay isku kalsoonida, wax isku hurida, iskuturida, isku
dulqaad, istixgelin, iskudhimrin iyo isaaminaada. Markii Rasamaalkii
bulshana uu baabaay ayaa waxaa ka dhashay in xusuustii
wadaaga ahayd luntay, dareenkii halista ee wadaaga ahayd lagu
kala aragti duwanaado, himiladii ummadeedna ay luntay , isagoo
sheegay in loo baahanyahay hogaan Hiigsi qaran abuura, hawl
halbeeg leh iyo qorshe qeexan la yimaada, Laakiin aan loo baahnayn
hogaan safar dibadeed iyo socdaal joogta ah ku jira intii uu
dalka joogana uu sidii Dhakhtar daawa qoraya oo kale ay dadka
tikid qaabilaad u jartaan.
Wuxuu kaloo musharaxo soo hadalqaaday wadahadalka
Somaliland iyo TFG, isagoo soo dhoweeyey arrinkaas kuna amaanay
walaalaha Somaliland sidii naf hurnimada iyo niyadsamida ku
jirto ay sanadkii 1960kii u keenee calankii midnimadiina u qaateen
shuruud laaan, taas bedelkeedana loo baahanyahay in iyaga
loo tago, wuxuuse musharaxu ka digay in wadahadalka uu qudbo
siro noqdo oo dad waqtigoodii in ka yar 50 maalin ka hartay
ay olole doorasho u isticmaalaan.
Musharax ayaa ku dheeraaday taariikhda Soomaaliya
iyo sidii ciidanka Soomaaliyeed uu ahaa mid sharaf, hufaan iyo
karti leh oo ka madaxbanaan siyaasada, taasina ay keentay in
xukunka dalka si nabadgelyo ah.
Waxaa uu dhaleeceyey qaabka awood maroorsiga ah
ee ay madaxda hadda jirtaa u isticmaalayaan qalabka warbaahinta
qaranka oo uu ku eedeeyey in cid aan iyaga aheyn fikradooda
aan laga ogoleyn. Warbaahinta qaranka ayuu sheegay in lagu dhisay
canshuurta shacabka Somaliyeed ayna waajib tahay in loo sinnaado
isticmaalkeeda.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in heyadihii
nabad sugidda ay waddamo shisheeye ku tiirsanyihiin iyadoo aysan
jirin miisaaniyad loo qoondeeyey, halka uu madaxda dowladda
ku eedeeyey iney maalin walba diyaarad ku kireystaan tobanaan
kun oo doller. Askarta difaaca uga jirta gobolada dalka ayuu
sheegay inaan xuquuqdoodii la sii ayna iyaga iyo caruurtoodu
baahanyihiin.
Waxaa uu baaq u jeediyey Odayaasha dhaqanka ee
hadda muqdisho ku shirsan, isagoo qiray iney duruufo adagi heystaan
balse dhanka kale waxaa uu ka codsaday iney xildhibaanno waxtar
leh soo xulaan, annagu idiinma imaan karo oo nalooma ogola ee
fadlan anaga ayaa idin casuumeyna ee idinku noo imaada ayaa
hadalladiisii ka mid ahaa.
Heyadaha garsoorka ayuu sheegay in kastoo la xaqiray
oo xuquuqdoodii loo diidey haddana iney la gudboontahay iney
baaritaan ku sameeyaan arrimaha musumaasuqa iyo lunsashada hantida
qaranka, ciddii lagu helana ay maxkada soo hor istaajiyaan isagoo
sheegay inuu isagu diyaar u yahay in haddii musuqmaasuq lagu
helo lagu maxkamadeeyo.
Madaxda dowladda ayuu ugu baaqay iney la taliyayaal
khibrad leh sameystaan, mar haddii uusan jirin qof waxkasta
yaqaanaa, waa in wax walba ciddii khibraddeeda iyo aqoonteeda
lagala tashadaa ayuu yiri. Cabdiraxmaan Cabdi shakuur ayaa isagoo
hadalkiisa sii wata tusaale ku bixiyey in Nabiyullahi Musa (CS)
uu ilaahey weydiistey in walaalkiis Haruun caawiye looga dhigo,
markii sababta Alle weydiiyena uu Nabi Muse ku jawaabey waa
iga Fasaaxad badanyahay, kadibna illaahey codsigiisa ka
yeelay.
Xafladda oo qalabka warbahinta gudaha si toos
ah looga tebinayey ayaa waxaa si hagar laaan shacabkii
ka qeyb galay iyo intii hawada kala socoteyba hesso waddani
ah ku madadaalinayey hobolada qaranka Waaberi oo uu ka dhexmuuqday
Ustaada Cali Masxaf iyo gabdho iyo rag kale.


Ifraax Daahir,
Muqdisho Somalia.
Ifraax11@gmail.com
Xaafiiska Wararka Warlalis.com