Rag
iyo hub lagu qabtay Kismaayo
Howgal saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa
Kenya ay
ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa
waxaa
lagu soo qabtay rag lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin
Xarakada Al
Shabaab oo maalmo ka hor magaaladaasi isaga baxay.
taliyaha ciidamada dowladda ee gobolada Jubooyinka Ismaaciil
Saxardiid
ayaa waxa uu sheegay in ay kusoo qabteen baaritaanka ay sameeyeen
maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab oo gaaraya 10 ruux kuwaasi
oo uu
sheegay in falal amni daro ay ka wadeen gudaha Kismaayo xabsina
ay
dhigeen.
Ismaaciil Saxardiid ayaa waxa uu sidoo kale xusay in baaritaano
ay
sameeyen ay ku heleen hub sharci daro ah oo uu sheegay in
ay ku
qarsanaayeen xaafadaha qaar ee magaalada Kismaayo, isaga oo
sheegay
inay sii wadi doonaan howlgalada ay ku sugayaan amaanka magaalada.
Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa waxa ay tahay saaka mid
dagan, iyadoo
ay dib u bilowdeen isku socodka dadka, gaadiidka iyo goobaha
ganacsi
inkastoo sidii hore aysan aheyn walina ay dadka ka cabsanayaan
dagaalo
ka dhaca gudaha magaalada.