Rag Shabaab
ka tirsanaa oo lagu dilay Muqdisho
Taliyaha Hayadda Nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif
Axmed Erig oo
lasoo xiriiray qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegay in
ciidamadooda
howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada Howlwadaag ay
ku dileen 2
dagaalyahaan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo
uu sheegay
inay qorsheynayeen falal amni daro,waxaana uu xusay in dilka
dhalinyaradaasi uu yimid markii ay isku dayeen inay la dagaalamaan
ciidamada Nabada sugida.
Mar la weydiiyay suurta galnimada weeraro bishaan Ramadaan
ay ka
fuliyaan magaalada Muqdisho Xarakada Shabaab ayaa waxa uu
sheegay
Khaliif Axmed Erig in taasi aysan dhici doonin oo ciidamadooda
ay
heegan buuxa galiyeen si ay uga hortagaan suurta galnimada
weeraro ka
dhaca magaalada.
Ciidamada Hayadda Nabad sugida gobolka Banaadir ayaa
dhawaan sidaasi
oo kale nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab
ugu
dilay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.