Maxay
tahay sababta ay Shabaab uga baxeen Kismaayo
Sheekh Cumar daahir oo ka mid ahaa Maxkamadihii Islaamka
kana mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay
in sababta keentay in Al Shabaab ay ka baxaan magaalada kismaayo
ay tahay awoodii ay lahaayeen oo daciiftay sababo la xiriira
dadkii oo nacay kana soo horjeedo, ciidan laaan iyo
dhaqaalo daro.
Aqoonyahaanka ayaa waxa uu sheegay in awooda al shabaab ay
haatan kusoo aruurtay fulinta dilalka iyo qaraxyada qorsheysan
taasi oo uu sheegay in aysan sameeneynin mecno sidaasi u weyn
oo laga hortagi hadii ay dowladda isku xilsaarto xasilinta
amaanka.
Al Shabaab waxaa la dhihi karaa wey wiiqantay awoodooda
waayo Kismaayo waa magaalada kaliya ee ugu weyn oo ay gacanta
ku hayeen waa magaalo leh dekad iyo garoon diyaaradeed oo
ay ka heli jireen dhaqaalo badan marka waxaa la dhihi karaa
waa laga adkaaday Shabaab sidaasi waxaa yiri aqoonyahaanka.
Cumar Daahir ayaa waxa uu intaasi ku daray in looga baahan
yahay dowladda Soomaaliya in maamul saldhig wanaagsan leh
ay u sameyso magaalada iyo gobolada jubada hoose hadii kale
waxa uu xusay in aysan waxba soo kordhineynin qabsashada magaalada
oo ay suura gal tahay sida uu yiri inay ka dhacaan dagaalo
sokeeye maadaama qabaailo badan ay ku loolamayaan maamulida
magaalada al shabaabna ay taasi ka faaideysan karaan
mar kale.
Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay noqoneysaa magaaladii 9-aad
ee ka baxda gacanta Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee Shabaab
wali waxa ay maamulaan degmooyin iyo deegaano ku yaalla koofurta
iyo bartamaha Soomaaliya.