Sarkaal lagu dilay Dharkeenlay
iyo Taliska Milatariga oo ka hadlay
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah
Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa
xalay ay kooxo hubaysan ku dileen degmada Dharkeenlay ee magaalada
Muqdisho xili uu daawanayay ciyaar ka socotay garoon ka agdhawaa
hoygiisa.
Taliyaha Gaaska labaad ee ciidamada dowladda C/laahi Cismaan
Cageey oo ka hadlay dilka ninkaasi ayaa waxa uu sheegay in dilkaasi
ay ka dambeeyeen Al Shabaab islamarkaana la qabtay mid ka mid
ah kooxihii dilka gaystay kaasi oo uu sheegay in baaris lagu
sameen doono.
Degmada Dharkeenlay waxaa kusoo badanayay mudooyinkii dambey
dilalka qorsheysan xili baaritaano dad badan lagu qabtay ay
ka soconayaan magaalada Muqdisho.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com