Shabaab
oo guulo ka sheegtay weeraro ay fuliyeen
Afhayeenka dhinaca howlgalada Maleeshiyaadka Xarakada Al
Shabaab Sheekh C/casiis abuu Muscab ayaa waxa uu sheegay in
dagaal ay kula
galeen ciidamada dowladda deegaanka Siinka dheer ay ku dileen
askar ka tirsanaa dowladda sidoo kalana waxa uu sheegay in
toogasho ay ku
dileen 2 askari oo ka mid ahaa ciidamada AMISOM oo ay ku weerareen
degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Al Shabaab waxa ay guulo ka sheegteen dagaal maalmihii
u dambeeyay ka dhacayay magaalada Xudur kaasi oo ay sheegeen
inay ku
jabiyeen ciidamada Ethopia iyo kuwa dowladda islamarkaana
ay u suura gashay inay la wareegaan qeybo ka mid ah magaalada.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda KMG iyo ilo madax
banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al Shabaab.