Shabaab
oo ka digay ansixinta dastuurka
Wakiilka Maleeshiyaadka Al Shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir
Sheekh
Abuu C/raxmaan ayaa waxa uu dastuur gaaleed ku tilmaamay dastuurka,
waxaana uu sheegay in dastuurkaasi aysan shaki ku jirin in
la
ansixinayo balse waxa uu sheegay in ay ilgaar ah ku hayaan
Odayaasha
oo waxii ka yimaada dastuurka ay masuuliyadooda qaadi
doonaan.
Waxa uu ku tilmaamay Abuu C/raxmaan Odayaasha kuwa lasoo kiraystay
oo
calooshood u shaqeystayaal ,isaga oo sidoo kale tilmaamay
in aysan
jirin Odayaashaasi cid ay matalaan sidaasi awgeedna uusan
soconeynin
goaan waliba oo ay gaaraan.
Al Shabaab ayaa horay u diiday wada hadal in ay la galaan
dowladda
KMG, waxaana ay in badan qaadeen Shirar arrimaha Soomaaliya
looga
hadlayo.