War deg deg ah:- Alshabaab
oo isaga baxay Degmada Balcad iyo Ciidamada Huwanta ah oo galay.
War deg deg ah oo imminka na soo gaaray ayaa
sheegaya in Kooxihii Alshabaab aay isaga baxeen Degmada Balcad
ee Gobolka Shabeellada Hoose ka dib markii aay u adkeysan waayeen
dhaq dhaqaaqa Ciidamada Huwanta ah aay halkaas ka wadeen.
Ciidamada Huwanta ah ayaa si nabad gelyo ah ula
wareegay Degmadaas , iyagoo durbaba Saldhigyo ka sameystay ,
isla markaana u sii ruuqaansaday dhanka Degmada Jowhar.
Wixii Warar ah ee arrintaas ku saabsan kala soco
Warlalis.com
Xaafiiska Wararka Warlalis.com