Shabaab
oo loogu baaqay inay ka mid noqdaan dowladda
Nabadoon Maxed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka
Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in uu dhamaaday waqtigii
Al Shabaab ,waxaana sidaasi awgeed uu ugu baaqay inay nabada
qaataan oo ay ku biiraan dowladda cusub.
Shabaab maanta awood ay leeyihiin Shabaab ma jirto
wey wiiqmeen marka fursad ayey haystaan haka mid noqdaan dadka
Soomaaliyeed iyo dowladda hadii kalana waxa ay la kulmaan
ayey leeyihiin sidaasi waxaa yiri Maxed Xasan
Xaad.
Nabadoonka ayaa waxa uu sheegay sharaf weyn ay tahay in doorashada
ay ka dhacdo magaalada iyo nabada soo ifbaxeysa taasina ay
tahay isbadal weyn, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay
in Soomaaliya ay dib usoo ceshato nidaamkii iyo kala dambeyntii.
Al Shabaab ayaa war kasoo baxay waxa ay ku sheegeen inay
isugu mid yihiin dowladda cusub iyo dowladihii ayna la dagaalamayaan
taasina waa arin culeyskeeda leh oo Madaxweynaha cusub iyo
dowladiisa horyaalla.