Shabaabka
Gedo oo Afduubtay gaari ay leedahay Hayad samafal
Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo
ayaa sheegaya in Al Shabaab ay xalay ka afduubteen Tuulo Borwaaqo
oo dhowr KM u jirta magaalada Garbahaareey gaari ay leedahay
hayad samafal.
Gaariga oo kasoo ambabaxay magaalada Baladxaawo kuna sii jeeday
Garbahaareey ayaa waxaa la sheegay in uu waday gargaar Daawo
oo loogu tala galay dadka ku jira Isbitaal magaalada balse
Al Shabaab ayaa waxa ay u galeen wadada oo afduubtay.
Macadda halka ay Shabaabku la aadeen gaarigaasi oo Saraakiisha
ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ay baadi goob ugu jiraan.
Shabaabka gobolka Gedo ayaa waxa ay dhowr jeer oo hore ay
leexsadeen gaadiid waday gargaar loogu tala galay dadka ku
tabaalaysan gobolka balse makala cado in dawooyinka gaarigaani
uu siday in ay lahayd dowladda iyo in dadka shacabka ah loogu
tala galay.