Shabaabka
Sh/hoose oo u digay ciidamada dowladda iyo WFP
Wakiilka al Shabaab ee gobolka Sh/hoose Sheekh
Cabdi Raxmaan Abuu
Cabdalla ayaa waxa uu digniin u diray askarta dowladda ee
isbaarooyinka lacagaha uga qaada dadka iyo gaadiidka isticmaala
inta u
dhaxeysa Muqdisho iyo ilaa Afgooye.
Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay yihiin kuwa mooryaan
ah oo
dhac iyo kufsiba ku haya dadka shacabka ah ee wadadaasi isticmaalla
taasi oo uu sheegay in aysan u dulqaadan doonin waxa uu ku
sheegay
Mujaahidiinta oo ay talaabo ka qaadi doonaan, isaga oo sheegay
in
shacabka deegaanadaasi ay kala hadleen wax ka qabshada
isbaarooyinkaasi.
Gudoomiyaha Al Shabaab ee Sh/hoose Sheekh Cabdi Raxmaan Abuu
Cabdalla
ayaa waxa uu tilmaamay in kormeer uu ku maray deegaano badan
oo ka
tirsan Sh/hoose in uu ku arkay raashin ay leedahay WFP oo
dhacay, sida
digirta Beebeeshee si ay u qiima disho dalaga beeraleyda taasi
oo uu
sheegay in cidii lagu arko shacab ama ganacsato talaabo laga
qaadayo.
Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa maalmihii
u
dambeeyay ka jirta cabasho baan oo ay dadka ka muujinayeen
rag sida
dareeska ciidamada kuwaasi oo dadka wadadaasi ku furta oo
ka dhaca
waxa ay sitaan .