» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Maliishiyaadka Shabaab oo baabuurta iska gadaya, Duurka galay, qaar ay ugu talo galeen inay magaalooyinka ku haraan oo garka iska xiiray...

 

 

Maliishiyaadka Al Shabaab iyo saraakiishooda ku sugan Labada Shabeele ayaa la sheegayaa inay bilaabeen inay Baabuurta iska gadaan, Baabuurta ay gadayaan ayaa la sheegay inaysan inta badan wax sharci ah lahayn iyada oo ganacsatadu aad uga shakisay, qiimaha Baabuurta Alshabaab iska gadayaan magaalooyinka Jowhar iyo Marka ayaa la sheegayaa inuu aad hoos ugu dhacay, shacabka deegaanadaas ayaa ka shakisan in qaar kamid ah Baabuurta ay miinooyin ku xiran yihiin.

Dadka ku dhaqan labada Shabeele ayaa soo sheegaya in maliishiyaadka Shabaab ay aad u niyad jabsan yihiin, halka madaxdii kooxda mayalka adag la waayey muuqaalkoodii inta badan, halka qaar ka mid ahna la arkay iyaga oo baabuurtii lagu yaqaanay iska bedeleen.

Kooxda Alshabaab ayaa la sheegayaa inay Maalmahaan ku mashquulsanaayeen raritaanka sahaydii yareyd oo ay haysteen iyaga oo la sheegay inay isku diyaarinayaan qaab jabhadeyn ah, dhulka ay aadka isugu haleynayaan oo ay u rarayaan agabkoda ayaa la sheegayaa in lagu Magacaabo Haawaay iyo dhulka u dhaxeeya Sh/hoose iyo Jubadda Dhexe, sidoo kale dhulka kale oo ay Tasiilaadka u rareen ayaa la sheegayaa inuu yahay dhulka u dhaxeeya Qoryooleey iyo Diinsoor, dhulalkaas ayaa la sheegayaa in maliishiyaadka gabalkoodu dhacay inay ugu xisheen in dhulkaasi yahay dhul aad hawd u ah.

Maliishiyaadka ayaa la sheegay in qaarkood ay bilaabeen inay dabeecadooda wanaajiyaan, iyaga oo qaarkood joojiyeen dhibaatayntii ay ku hayeen haweenka aan wadanin dharka aadka culus, dhalinyarta sigaarka cabta iyo dhalinyartii ay u diidi jireen inay Banooniga ciyaaraan.

Sikastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan labada Shabeela ayaa sugi la’ in Ciidamada DKMG iyo AMISOM ay soo gaaraan magaalooyinka Marka iyo Jowhar, sidoo kale shacabka ayaa isweydiinaya waxa ka hortaagan Ciidamada isbahaysanaya inay hore ugu soo dhaqaaqaan magaalooyinka Jowhar iyo Marka, maadaama aysan haatan jirin Shabaab maliishiyaadkood oo u diyaarsan inay iska difaacaan ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden