Shacabka Hargeysa oo ka
hadlay sida ay arkaan xukunkii Boqor Buur-madow
Qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Hargeysa
ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay xukunkii Somaliland ay ku
riday Boqor Cismaan Aw Maxud Buur-madow.
Iyadoo dhawaan Maxkamada dhexe ee Maamulka Somaliland ay xabsi
hal sano ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxud Buur-madow
ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay shacabka
magaalada Hargeysa.
Qaar ka mid ah shacabka magaalada ayaa waxa ay qabaan in xukunkaasi
uu ahaa mid sharci daro ah oo aan laga fiirsan, waxaana ay sheegeen
in hadii ay sax tahay eedeynta loo jeediyay boqorka loo baahan
yahay in latashiyo lala sameeyo Odayaasha iyo Salaadiinta Somaliland.
Qeybo kale oo ka mid ah bulshada ayaa waxa ay qabaan in xukunkaasi
uu yahay mid cadaalad ah oo waxa ay ku doodayaan in Buur-madow
uu hadalo meel ka dhac ah ka faafiyay Masuuliyiinta iyo
Shacabka Somaliland.
Hadal heenta ugu badan ee magaalada Hargeysa oo ay dadka isla
dhexmarayaan ayaa waxa ay tahay xukunka Boqor Cismaan.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com