Shariif oo sheegay in
dhaqaalaha dalka uu hoos u dhacay
Madaxweynaha dowladda KMG ayaa sheegay in uu hoos
u dhacay sanadihii u dambeeyay qeyraadka Somaaliya
Qeyb ka mid ah qudbad uu ka jeediyay Maxjar laga
furay deegaanka Jasiira ayaa waxa uu ku sheegay Madaxweynaha
uu waqtigiisa dhamaadka yahay Shariif Sheekh Axmed in 21 sano
ee lasoo dhaafay uu hoos u dhacay qeyraadka Soomaaliya sida
beeraha, kaluumeysiga iyo xoolaha kuwaasi oo uu sheegay in uu
ku tiirsanaa dalka Soomaaliya laguna yaqaanay.
Shariif Sheekh Axmed ayaa si si loo soo nooleeyo
dhaqaalaha dalka uu ugu baaqay ganacsatada inay ka shaqeeyaan
kobaca dhaqaalaha dalka ayna ka faaideystaan fursada uu
sheegay inay hada haystaan oo ay kaga faaideysan karaan
qeyraadka.
Waxii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee
Soomaaliya waxaa meesha ka baxay adeegyadii aas aasiga u ahaa
nolosha aadanaha oo ay ka mid tahay kaluumeysiga, dhaqashada
xoolaha nool iyo sidoo kale beeraha.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com