Madaxweyne Shariif oo
Balanta looga baxay kadib markii wax badan laga ansaxsaday, Yaa
uga baxay Balanta? Maxayse ahayd Balantu?
Madaxweynaha Dawlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif
Sheekh Axmed ayaa heshiis kula galay Madaxweynaha Maamul goboleedka
Puntland Cabdirahmaan Faroole heshiis laba dhinacle ah oo ay
gaareen labada dhinac iyaga oo kala matelayey labada beel oo
ay kasoo kala jeedaan labada nin oo kala ah Abgaal/Rati Abgaal
iyo Majeerteen/Maxamuud Saleebaan, iyadoo Puntland heshiiska
qeyb laga rabo halka Madaxweyne Shariifna laga rabo in heshiiska
qeybtiisa uu ka fuliyo, heshiisyada labada dhinac ayaa kala
ahaa:-
Qodobada Cabdiraxmaan Faroole (Puntland) laga
rabo.
1- In Puntland ay taageerayso musharaxnimada Madaxweyne
Shariif oo ay la garab istaagayso taageero buuxda.
2- In Puntland ay xaqiijinayso in qof reer Puntland
ah oo awooda beesha heysta uusan isku sharixi doonin Madaxweynanimada
Soomaaliya, doorashada la filayo in la qabto 20-ka Agoosto 2012.
Qodobada Shariif Sh Axmed (DKMG) ogolaaday.
1- In Puntland jagadeeda oo ah Raisulwasaaraha
Soomaaliya ay lagama hadlaan tahay, uuna ilaalin doono madaxweyne
Shariif in Jagadaas uu buuxiyo nin kasoo jeeda Maxamuud Saleemaan
oo taageerana ka haysta Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
2- In Dawladda Soomaaliya inta lagu jiro xiliga
kala guurka ah ay awood dheeri ah siin doonto Puntland dhinaca
samaynta Dastuurka, shirarka Saxiixayaasha inta badan lagu qaban
doono Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland.
3- In Dawladda Soomaaliya ay ogolaansho buuxda
siinayso in Puntland ay soo saarato kheyraadkeeda Dabiiciga
ah.
4- In dhaqaalaha soo gala Dalka Soomaaliya ay
qeybta Puntland ay lagama hadlaan tahay.
5- In siyaasadda Dawladda Soomaaliya meesha laga
hago ay noqon doonta Maamulka Puntland.
6- In Dastuurka Dawlada Federaalka Soomaaliya
la waafajin doono Dastuurka Maamulka Puntland, qodob kasta oo
ka hor imaanaya dastuurka Puntland laga saari doono.
7- In dhamaan ergada ansixinta Dastuurka Dawladda
Soomaaliya iyo Baarlamaanka qeybta Puntland looga danbeyn doono
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
Qodobadaan kore oo ay labada nin kala saxiixdeen
iyagoo ku kala hadlaya masuuliyadda iyo beelaha ay kasoo jeedaan
ayaa la sheegayaa in Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya uu fuliyey
dhamaan qodobada dhinaciisa laga rabay, balse madaxweynaha Puntland
Cabdirahmaan Faroole oo aaminsan siyaasadu malahan saaxiib joogta
ah ee waxaa ay leedahay dan joogta ah ayaa la sheegay inuu ka
baxay in Puntland teegeerto Madaxtinimada Shariif, isaga oo
ka dhawaajiyey in Dalka Soomaaliya uu u baahan yahay madax cusub
oo daacad ah, hadalkaan ayaa ah mid sidoo kale kasoo yeeray
Amb. Mahiga.
Isku soo wada duube Madaxweynaha Puntland ayaa
heshiiskaan ku meel marsaday waxyaalo badan oo aysan suuragal
ahaateen in Cabdiraxmaan faroole uu ansaxsado, waxyaalahaas
oo ay ka mid yihiin in Madaxweynaha Puntland uu Dastuurka Soomaaliya
u sameeyo si la jaanqaadi karta dastuurka dhowaan Puntland ansaxsatay,
isaga oo ku daray qodob sheegaya in Puntland hergelinta Dastuurka
Federaalka Soomaaliya uusan waajib ku ahayn inta Dalka Soomaaliya
oo dhan laga hergelinayo Dawlado hoos tagaya Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweyne Shariif ayaa rag saaxiibo
aad ugu dhow ugu sheegay si hoose sababta uu uga aqbalay in
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu hago
siyaasada dalka Soomaaliya isaga oo sheegay inuu kaliya sugayo
inta uu ka helayo in dib loo soo doorto 4-ta sano oo soo socota,
markaas kadib ayuu madaxweyne Shariif sheegay in uu Puntland
tusi doono waxa ay tahay.
Si kastaba ha ahaatee heshiiska oo ku saabsanaa
Xaaraan, isagoo ku salaysnaa in dhaqaalaha iyo maamulka dalka
ay kala hagaan labada nin iyo beelaha ay kasoo jeedaan ayaa
waxaad hada moodaa in labada nin ay biyo hoostood iska arkeen,
madaxweyne Shariifna uu hadda arkay inuu meel cidlo ah taagan
yahay maadaama Raisulwasaaraha Soomaaliya uu yahay Musharax
u taagan madaxweynanimada Soomaaliya, arintaas ayaa la sheegayaa
in Madaxweyne Shariif ay ku qasabtay inuu heshiis la bilaabo
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.
Shariif Sheekh Ahmed ayaa haatan aad ula daala
dhacaya sida uu u kala qancin lahaa madaxda Maamulka Puntland
iyo Somaliland isaga oo heshiiska uu hadda la bilaabay Axmed
Siilaanyo ujeedada uu ka leeyahay ay tahay in Xildhibaanada
Beesha Dir uu taageero uga helo, Maamulka Soomaaliland-na uu
arintaas gacan ka geysto isaga oo Madaxweyne Siilaanyo u balan
qaaday in uusan mardanbe siin doonin qofka soo jeeda Maamulka
Puntland Raisul wasaaranimada Dalka Soomaaliya, taa bedelkeedana
uu siin doono Siyaasi Maamulka Somaliland raali ka yahay oo
ka soo jeeda Beesha Isaaq.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com