» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Madaxweyne Shariif oo sheegay inuu Musharax yahay, qirtayna Musuqmaasuqa lagu eedeeyay qeyb ka mid ah. Shariifka oo afka furtay, Koontaroolkiina lumiyey!

 

Madaxweyne Shariif ayaa maanta ka hadlay xaflad uusoo qaban qaabiyey oo ka dhacday Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho xafladaas oo madaxweyne Shariif uu ka sheegay inuu yahay musharax una baahan yahay in waqti kale lasiiyo maadaama uu sheegay inuu yahay weli dhalinyaro. Madaxweynaha ayaa waxaa labada garab ka fadhiyey xiliga uu ku dhawaaqayey inuu u baahan yahay in dib loo doorto labo kamid ah xaasakiisa oo ku labisan koofiyado isku mid ah. Xafladda ayaa waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiinta Dawladda ee aadka ugu dhow mdaxweyne Shariif, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdisamad, Gudoomiyaha Gobolka Mr Tarsan, Xasan Macalin iyo Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Cabdi Jiinow.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay warbixintii kasoo baxday UN monitoring-ka groupka oo ka hadleysay musuqmaasuq iyo maamul xumada baahsan oo ay sameeyeen madaxda dawladda oo uu kamidka yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in kooxda UN Monitoring gruop-ka ay yihiin cadawga umadda Soomaaliyeed, Shariif ayaa sidoo kale wuxuu ku eedeeyey Xiriiriyaha Kooxda UN monitoring-ka Mr Mat Brayden inuu yahay nin ka shaqeynaya kala goynta umadda Soomaaliyeed.

Inta uu ka hadlayey Madaxweyne Shariif waxyaalaha ay xanbaarsaneyd warbixintaas ayuu sheegay inay jirto inay ganacsato lacago ka deynsadeen xiligii la doortay Jabuuti, lacagahaas oo uu ku sheegay inay ahayd 1,200,000$ (Malyan iyo Laba boqol kun doolar), arintaas ayaa aheyd qirasho uu madaxweynuhu ku qiranayey lacag 1,200,000 $ oo ay warbixintu ku sheegtay in madaxda Dawladu ku shubteen Kambaniyo ay leeyihiin rag qaraabo la ah madaxweynaha Soomaaliya oo laga magacaabay Mr Cabaas, sidoo kale wuxuu madaxweynuhu qirtay in lacago kasoo gaaray Beesha Caalamka qeybo ka mid ah la isticmaalay iyada oo aan lagu shubin Bankiga Dawladda, taas oo uu ku sheegay inay tahay maamul xumo balse ay iyagu go’aanka leeyihiin sida ay ka yeelayaan Hantida loogu talo galay shacabka Soomaaliya.

Ka sokow qirashada Madaxweynaha qeybo yar oo kamid ah musuqmaasuq iyo maamul xumada ay sameeyeen madaxda Dawladda ayuu madaxweynuhu eedeeyay Guddiga UN-ka iyo madaxdoodaba qaab ay dadka siyaasadda qaadaa dhigaahi ay ku sheegeen inuu ahaay qaabkii fadhi kudiririda, taasoo muujisay inuusan Madaxweynuhu lahayn la taliyayaal wanagsan. Eedeynta uu u jeediyey Madaxa Kooxda UN-ka u qaabilsan lasocodka cunaqabataynta hubka iyo musuqmaasuqa ee ahayd inuu Soomaaliya kala goynayo ayaa xeeldheerayaashu ku sheegeen inay ahayd hadal si toos ah uga horkeeneyey madaxda iyo Maamulka Soomaaliland oo wadahadalo bilaaw ah ay dhowaanahaan u bilaawdeen, hadalkaas ayaa uun ahaa mid aan waxna ka difaaceynin kana horkeenayay Maamulka, shacabka iyo Madaxda Soomaaliland.

Sidoo kale Amb Mahiga ayaa maanta wareysi uu siinayey saxaafadda ugu sheegay madaxda Dawladda in guddigaani yahay guddi madax banaan si toos ahna uu warbixinta ugu gudbiyo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, aysana anfaceyn madaxda Dawladda Beenin iyo eedeyn loo jeediyo Guddiga balse ay tahay waxa la gudboon inay is difaacaan eedaha lagu soo eedeyay oo inta badan wada cadeymaha. Amb. Mahiga ayaa u sheegay saxaafada in Golaha amaanka la horgeynayo warbixintaan maalinta Beri ah oo taariikhdu tahay 19-07-2012, goluhu uu go’aan ka qaadan doono dhamaadka bishaan warbixinta.

Xafladdii Maanta ayaa xeeldheerayaashu siyaasadda Soomaaliya ku sheegeen mid madaxweynaha iyo asxaabtiisa isku dayayeen inay ku muujiyaan inaysan warbixintu waxba u dhibin, Madaxweynuhuna yahay musharax, isagoo madaxweynuhu maanta is celin waayey, koontaroolkiina lumiyey markii uu ka hadlaayey Guddiga UN-ka ee Warbixinta soo saaray, isaga oo maanta uu madaxweynuhu u hadlay sida ay u hadlaan dadka Fadhi ku dirirada, gaar ahaan kuwa careysan.

Si kastaba ha ahaatee warbixintaan oo la sheegay inay tahay qeyb yar oo uun ka mid ah Musuqmaasuq iyo Maamulxumada ka jirta Dalka Soomaaliya ayaa ahayd warbixintii ugu saameynta badneyd ee ebid uu guddigaan ka soo baxday, maadaama warbixintaan qeybo badan oo ka mid ah ay kusoo baxeen bogaga ugu horeeya Saxaafadda Caalamka. Madaxda Caalamka ayaa inta badan markii ay kasoo baxaan warbixino noocaan oo kale ah ayaa inta badan is casila, shacabyadoodana u celiya xilalka ay hayaan, iskuna diyaariya sidii ay isaga difaaci lahaayeen eedeymaha lagu sheegay.


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden