Madaxweyne Shariif oo la sheegay
inuu dhaqaalo badan ku bixinayo sidii uu Gudoomiyayaashii hore
ee gobolada Sh/Dhexe iyo Sh/hoose aysan siyaasadda dib danbe ugu
soo noqon laheyn, Maxay tahay ujeedadu??
Madaxweyne Shariif ayaa la sheegay inuu awoodiisa
siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba isugu geeyay sidii aysan siyaasada
awood danbe ugu yeelan lahayn labada nin ee kala ah Maxamed
Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Yuusuf Maxamed Siyaad (indhacade)
Shariif sheekh axmed oo haatan ah Madaxweynaha
Soomaaliya ayaa labadaan nin ay soo dhex martay wada shaqeyn
iyada oo la sheegayo in Shariif sheekh Axmed inuu mar ahaa Gudoomiyaha
Maxkamada Jowhar Maamulkii Sh/dhexe ee uu hogaamin jiray Maxamed
Dheere, Gudoomiyihii Maamulkaa ayaa la sheegay in uu kasoo ceyriyey
Magaalada Jowhar isaga oo ka qaaday xilkii uu ka hayay maamulka
Sh/dhexe.
Sidoo kale Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa
la sheegayaa in Madaxweyne Shariif ay soo wada shaqeeyeen xiligii
Maxkamadaha, xiligaas oo maxkamadaha uu gudoomiyaha fulinta
ka ahaa Shariif Sh Axmed halka Yuusuf Indhacade uu ka ahaa Wasiirkii
Difaaca ee Maxaakimta, kadib jabkii soo gaaray Maxaakiimta,
Shariif Sh Axmedna uu isku dhiibay Dawlada Kenya, kadibna uu
usii gudbay Yemen, halkaa uu uga sii gudbay dalka Eretiriya
oo markale loogu doortay gudoomiyaha ARS-ta,
Kadib Markii Shariif loo doortay Gudoomiyihii
isbahaysiga dib u xoreynta ayaa sidoo kale xoghayihii Gaashaandhiga
isbahaysiga ARS-ta ayaa iyana loo doortay Yuusuf Indhacade,
inyar kadib ayaa la sheegayaa in Shariifka iyo Indhacade oo
weligood xiriirkoodu wanaagsaneyn uu khilaaf soo kala dhex galay,
khilaafkaas oo sidiisii u jirana uu Shariif sh Axmed iyo qeyb
ka mid ah ARS-ta ay kasoo goosteen Ereteriya iyaga oo soo aadey
heshiiskii Jabuuti oo Shariif Sh Axmed loogu doortay Madaxweynaha
Soomaaliya.
Doorashadii Shariifka ee loo doortay Madaxweynanimada
Soomaaliya kadib markii uusoo gaaray magaalada Muqdisho ayaa
la sheegaya inuu weli Indhacade ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga
Isbahaysiga Asmara qeybtii heshiiska diidey.
Yuusuf Indhacade oo dagaalo la galay Ciidamadii
dawlada Shariifka, Itoobiya iyo AMISOM ayaa markii danbe waxaa
uu usoo goostay dhinaca Dawladda uu madaxda ka yahay Shariif
Sh Axmed oo aysan isku fiicneyn, Yuusuf Indhacade ayaa usoo
goosashada dhinaca dawladda ayaa la sheegayaa inay kusoo qasabtay
cadaadis adag oo oga yimid Maliishiyaadka Alshabaab oo mar isaga
magan u ahaan jiray, balse markii ay awood heleen damacsanaa
inay hubka kala wareegaan, khaarajiyaana Yuusuf Indhacade.
Shariif ayaan siinin soo dhoweyntii uu filayey
Indhacade maadaama uu marwalba ka didsanaa oo uu aad u necbaa
Yuusuf Indhacade iyo Maxamed Dheere, isagoo markasta u arkayey
niman uusan qancin karin.
Shariif Sh Axmed ayaa la sheegayaa inuu ka ilaaliyey
Maxamed Cumar xabeeb inuu dib danbe xil uga qabto dawladda Soomaaliya,
halka uu Yuusuf indhacade uu hal mar u magacaabay Wasiiru dawlaha
gaashaandhiga, isaga oo ka ilaaliyey Yuusuf indhacade inuu jagadaas
ku shaqeeyo, ilaa Yusuf Indhacade uu gaarsiiyey inuu iska casilo
Xilkaas.
Shariif Sh Axmed ayaa in badan isku dayey inuu
xiro labadaan nin isaga oo marwalba isku dayayey inuu mar uun
labadaan nin xabsiga dhigo, arintaas ayaa la sheegayaa inay
mar u suuragashay inuu ku sameeyo Gudoomiyhii hore Maxamed Dheere,
halka Indhacade aysan u suurta gelin ilaa hadda, balse uu AMISOM-ta
ka codsaday iney marar badan Xirto Yuusf Indhacade, balse ay
ka biyo diideen.
Yuusuf Indhacade oo ah nin inta badan ka hadla
saxaafadda ayaa marar badan eedeymo kulul ujeediyay Madaxweyne
Shariif, madaxweyne Shariif oo u adkaysan waayey eedeymahaas
aan kala goa lahayn ayaa isku dayey inuu heshiis uu ku
dabayo Indhacade la galo isaga oo la sheegay inuu u maray Shariif
Xasan oo ay saaxiib dhow yihiin Indhacade, iyadoo la sheegayo
in Shariif Xasan ka wacay madaxtooyada, wadahadal kadibna Indhacade
lasiiyey jagada Generaal.
Gen Indhacade oo jagadaan aan loogu darin wax
kale oo masuuliyad ama dhaqaalo ah ayaa maalmo kadib bilaabay
eedeymihii uu u jeedinayay Madaxweyne Shariif, Shariif Sh Axmed
ayaa la sheegayaa inuu dalka Ugandha u tagay oo uu kulan la
qaatay madaxweyne Musaveni in AMISOM hub ka dhigis ku sameyso
Gen Indhacade, balse waxaa la sheegayaa taliyayaasha AMISOM
ee ku sugan Muqdisho inay u sheegeen madaxweyne Musaveni in
Ciidanka iyo Hubka Gen Indhacade uu kaalin weyn ka geystay dagaaladii
lagula jiray Shabaab sidaa daraadeedna aysan suuragal ahayn
in ay si xoog ah hubka uga qaadaan.
Wadahadal ay garwadeen ka ahayd AMISOM ayaa la
sheegayaa in tikniko iyo hub uu hayey Indhacade uu kula wareejiyey
AMISOM iyo Dawladda Soomaaliya iyada oo la sheegayo in taa bedelkeedna
Gen Indhacede la siiyey xooga dhaqaalo ah oo aan la carabaabin
inta uu dhan yahay.
Baabuurta Gen Indhacade oo AMISOM balan qaaday
sida la sheegay inaysan geli doonin gacan maliishiyaad qabiil
ayaa la sheegayaa in qaar ka mid ah la arkay dhowaan iyada oo
ay wataan maliishiyaad qabiil oo sida la sheegay ku jufo ah
madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed, arintaas oo laga baqayo
inay dhibaaato ka dhalato.
Dhinaca kale Shariif Sh Axmed ayaa Gudoomiyaha
Gobolka Sh Dhexe u magacabay Cabdi Jiinoow oo ay qaraabo dhow
yihiin Maxamed Cumar xabeeb, arintaas oo la sheegay ujeedka
uu Madaxweyne Shariif u sameeyey inay tahay in Maxamed Dheere
aysan hawo kasoo gelin Gobolka Sh/Dhexe oo la sheegay Maxamed
Dheere inuu awood badan ku lahaan jiray, uuna muddo badan xukumayay,
wax wanaagsana kasoo qabtay sida dadka qaar aaminsan yihiin.
Madaxweyne Shariif ayaa dhaqaalo iyo hub badan
ku siiyey Cabdi Jiinoow gudoomiyaha cusub ee Gobolka Sh/dhexe
inuu ka ilaaliyo taageerayaashii Maxamed Dheere in ay Maamulka
Sh/dhexe lug danbe ku yeeshaan.
Isku soo wada duube labadaan nin ayaa la sheegayaa
iney og yihiin shirqoolada uu u maleegay Madaxweyne Shariif
iyada oo la sheegay Maxamed Dheere inuu hawlo Caafimaad Dalka
dibadiisa u jiro halka Gen Indhacadana la sheegayo inuu iska
joogo Magaalada Muqdisho isaga oo la sheegayo inuu qaar ka mid
ah saxiixayaasha la leeyahay xiriir dhow.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com