» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Madaxweyne Shariif oo la kulmay Odoyaasha Dhaqanka Beesha Hawiye, Maxuu kala hadlay?

 

Madaxweynaha dowlada KMG Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay odayaasha beelaha Hawiye uga qeyb galaya shirka duqeyda Soomaaliyed uga socda magaalada Muqdisho kaasoo lagu soo xulayo ergada ansixin laheyd dastuurka cusub ee dalka.

Xubnaha madaxweynuihu uu la kulmay ayaa ka koobnaa 27 xubnood oo ka mid ahaa 30-ka xubnood ee beelaha Hawiye uga qeyb galaya shirka duqeyda dhaqanka, ka dib markii ay maqnaadeen 3 xubnood.

Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ka ahaa labo oday oo aan ka mid ahayn 30-ka oday dhaqameed ee saxda ah ee beesha Hawiye labadaas nin oo kala ah Maxamed Xasan Xaad iyo Xasan Cilmi Yaxye, labadaan oday ayaa shirka uga qeyb gala rabitaanka Shariif sh Axmed iyo Cabdisamad Macalin Maxamuud oo kala ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga, maadaama labadaan oday aysan kamid ahay ergada Beesha Murursade iyo H/gidir/Ceyr.

Madaxweynaha Somalia iyo odayaasha dhaqanka beesha Hawiye ayaa kulankooda uga wada hadlay arimo ku saabsan dastuurka iyo xaaladaha kala guurka ah ee dalka ka socda, waxaana labada dhinac ay isweydaarsadeen hadalo kala duwan.

Odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa sheegay iney diyaariyeen liiska dadkii ay u soo xuleen ansixinta dastuurka, iyagoo hase ahatee sheegay iney dood ka qabaan qodobo ka mid ah dastuurka oo ay sheegeen iney doonayaan dib in loogu noqdo waxna laga bedelo.

Madaxweynaha Somalia oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay inuu ku faraxsaan yahay kulanka uu la qaatay odayaasha beelaha Hawiye, isagoo sheegay in cabashada ku saabsan dhinaca dastuurka ay kala siman yihiin beelaha kale ee Soomaaliyed ayna wax badan ka qaban doonaan.

“Si loo helo dowlad rasmi ah waa inla helaa dastuur lagu maamulo dalka, wixii qaladaad ah ee jira in la saxo waa wax meesha ku jira hase ahaatee ma qabo in arintaas ay dib u dhigto ama ay caqabad ku noqoto howlaha socda, iyadoo wax la diidan yahay ayaa la rabaa in shaqada ay socoto si waqtigu uusan nooga lumin” ayuu intaa ku daray madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay dhinaca kale in caasimada Somalia ay tahay Muqdisho aysana jirin cid shaki gelin karta, isagoo xusay in masuuliyiinta arintaas ka hadlay ee shakiga geliyey caasimada Muqdisho ay yihiin dad fekerkooda shaqsiga ka hadlay oo kaliya.

Madaxweynaha ayaa u sheegay odoyaasha dhaqanka Beesha Hawiye in ay fursad siiyaan oo dib u doorashadiisa ay ka qeyb qaataan waxyaalaha ay tabanayaan oo dhana la sixi doono.


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden