Madaxweynaha:
waa cadow Gudiga cunaqabteynta Soomaaliya ee QM
Munaasabada oo kadhaceysay Hoteelka City Plaza ee dhawaan
laga
hirgeliyay degmada Cabdil Caziiz ee Gobalka banaadir ayaa
waxa kaqeyb
galay boqolaal ruux oo u badnaa taageerayaasha Madaxweyne
shariif
sheeq axmed, hogaamiyayaasha dhaqanka, iyo Marti sharaf kale
oo ay ku
jireen ilaa sadax waziir oo kala ahaa waziirada Gaashaandhiga,
Arimaha
Gudaha, iyo Haweenka iyo waliba Mudanayaal katirsanaa baarlamaankii
awooda laga qaaday waxana u jeedkeedu ahaa isu soo taagigida
markale
xilka madaxweyne nimo Madaxweyne shariif sheeq axmed.
Fanaaniinta kooxda waabari ayaa madasha kasoo jeediyay heeso
lagu
taageerayay in Shariif Sheeq Axmed uu markale xilka Madaxtinimada
ku
guuleysto.
Madaxweynaha ayaa Munaasabada kajeediyay qudbad kabadneyd
halsaac oo
kahadleysay Taariikhihiisii siyaasadeed iska fogeynta eedo
loosoo
jeediyay iyo waxa uu qabanayo hadii markale xilka Madaxtinimada
uu ku
guuleysto.
ugu horeyn waxa uu u mahadceliyay Xukuumadihii soo maray dalka
intii
uu Madaxweynaha ahaa iyo dalalka taageeray dowladiisa.
in muqdisho lagu dhiso jamhuuriyadii labaad ee soomaaliya
waxa ay ii
tahay farxad gaar ah sidaasi awgeed waxa aan u baahanahay
in markale
xilka Madaxtinimada la ii doorto ayuu yiri Shariif Sheeq
Axmed
Hormarinta arimaha bulshada muujinta masuuliyada cadaalad
hormar iyo
sharciga oo laxoojiyo dalkana lagaarsiiyo heer ay shacabka
wax
doortaan ayuu Madaxweynaha ku sheegay inuu diirada saari doono
hadii
ladoorto.
Madaxweynaha ayaa mar uu kahadlayay taariikhihisii siyaasadeed
waxa uu
soo hadalqaaday xiligii uu ahaa hogaamiayihii Maxkamadaha
iyo markii
loo dhiibay xilka Madaxtinimo waxuuna sharaxay tilaabooyinkii
uu u
qaaday si caqabdihii waaweynaa ee kahoryimi uu u hareermaro.
Madaxweynaha ayaa luqad aad u adag u adeegsaday kooxda UN
MONOTORING
GROUP ee qaramada midoobay u qaabilsan kormeerka cuno qabateynta
hubka ee saran Soomaaliya iyo Ereteria waxuuna Madaxweynaha
meesha
kasaaray eed Madaxda dowlada dhawaan kooxdaasi u jeediyeen
si gaar
ahna Master Shariif waxa uu u weeraray hogaamiyaha gudigaasi.
ugu danbeyntii Shariif Sheeq Axmed ayaa sheegay in hadii isaga
iyo
madaxda kale ee la eedeeyay lagu helo danbiga ladulsaaray inay
diyaar
u yihiin in xilka ay katagaan xabsiga Gontanamabay ay ku xaroodaan.
Munaasabadii maanta loo sameeyay Madaxweyne Shariif
ayaa waxa
garbihiisa kamaqnaa R/Wasaaraha iyo Shariif Xasan Sheeq Aadan
kuwaasi
oo iyana warar aan lahubin ay sheegayaan inay Musharixiin yihiin.
Guud ahaan ololo doorasho oo ay wadaan musharixiin kala duwan
ayaa
kasocda Muqdisho iyo dalalka caalamka qaarkood iyadoo Musharixiintana
ay malaha u baahnaanlahaayeen in lasiiyo fursado lamid ah tii
uu manta
helay Madaxweynaha si iyana ay isu soo bandhigaan.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com